Waxyaabaha keena biyo baxa deg dega ah iyo dawadiisa

Dec 4th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

pics from: windsorlegiontrack.com

Afeef
Akhriste, maqaalkan oo ah maqaal aad xasaasi u ah(sensitive issue) kuna haboon in ay akhristaan rag iyo dumarba wixii ka wayn 16 sano, fadlan hadii aad ka yartahay 15 sano, waxaa haboon inaanad akhrisan.

Waxaad moodaa in bulshadeena ay ku yartahay wax waydiintu, taasoo u sabab ah aqoon la,aan baahsan iyo dadkeena oo aan inta badan wax wayn u arag waxyaabaha qaar sida dhibaatadan aynu manta ka hadli doono ee loo yaqaan (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah wakhtiga galmada. Akhriste waxa hubaal ah in wixii xun uun laga xishoodo maadama ay wanagsantahay in aad ogaato waxkasta oo ku dhaca bani aadamka sida xanunada kala duwan oo badankooda laga dawoobo. Maqaalkan manta waxaynu ku eegayna xanuunkan loo  yaqaan (PE) oo boqolkiiba 65-70% ku dhaca raga aduunka ku nool, iyadoo celcelis ahaan 3dii ninba uu hal nin ka cabanayo dhibatadan la soo darista wakhtiga uu qofku guursado.

Waa maxay (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ahi?

Waxa afka qalaad lagu yidhaa (premature ejaculation) ama biyo baxa dagdaga ah xiliga galmada, xanuunkan oo keena in qofku uu awood u yeelan waayo inuu xajiyo biyaha manida ah xiliga galmada iyadoo dhakhaatirka badankoodu ay isku raaceen in raga qaar ay ku biyo baxan wax ka yar 30sec ilaa 2 minute inta u dhaxaysa, mararka qaarna uu qofku biyo baxo isagoon wali hawshiba bilaabin,  xanuunkan ayaa noqday  mid fara baas ku haya dhalinyarta qarnigan nool, hadii aynu si kale u dhigno, iyadoon la odhan Karin waa xanuun wayn hadana way adagtahay in ninka dhalinyarta ahi uu tago dhakhtar oo uu soo bandhigo inuu ka cabanayo xanuunkan, akhriste, sida aynu wada ogsoonahayba caafimaadku waa shay muhiim u ah saldhiga nolosha.

Waxa suurto gal ah adigoon is ogayn inaad tahay qof ay dhibaatadani haysato, inaad guursato maalin maalmaha ka mida, mudo yar kadibna aad ogaato inaad tahay qof aan (control) lahayn xiliga galmada lagu gudo jiro,taasina ay ku sababi karto lamaanaha waji gabax iyo raaxo la,aan.(dissatisfaction of marriage). Gabadh ka mida gabdhaha caalamka ku nool ayaa jariirad online ah oo  la yidhaa (zawaj.com) kusoo qortay cabasho ay kaga cabanayso ninkeeda iyadoo cinwaan uga soo dhigtay(my husband does not satisfy me in bed) oo macnehedu yahay ninkaygu ima qanciyo, akhriste dumar badan oo caalamka ku nool ayaa ragooda ay dhibatadani la soo daristay iyadoo ay haboon tahay in haweenaydu ay ninkeda ku baraarujiso inuu tago dhakhtar nooca (psychological doctor) ama (therapy sexual healing expert)

Hadaba biya baxani waxa uu dhaca wakhtiga uu ninku ama gabadhu ay ku gudo jirto galmada iyadoo raga qaar ay suurto gal tahayba in wax ka yar hal daqiiqo uu biyo baxo. Warbixin uu soo saaray journal ka soo baxa dalka maraykanka oo loo yaqaan (American medical association journal) wuxuu tilmaamay in rag iyo dumarba kuwa ay da,doodu u dhaxayso 18-59 ay boqolkiiba 14% aanay galmada ku raaxaysan sabab la xidhiidha biya baxa lamanohooda awgeed halka boqolkiiba 26% aanay rabin galmo haba yaraate. Akhriste waxaad maanka ku haysaa in ay aanay xanuun ahayn in ninku biyo bax badani ku yimaad wakhtiga uu ku cusubyahay guurka taasoo ay ugu wacantahay raynranta uu galmada(sexual excitement) u hayo balse mudo yar ka dib aanad biyo bixi doonin adigoo la qabsan doona taasina waa caadi ah (normal situation).

Maxaa keena (premature ejaculationka)?

Waxa xaqiiqo ah in waxkasta oo qofka ku dhacaa ay leeyihiin sabab, hadaba dhibatadan oo noqotay mid ku baahaysa dhalinyarta da, yarta ah ayaa waxaynu soo qadan doona dhowr qodob oo ah waxyaabaha keena inuu qofku hore u biyo baxo.
1- Dhibaato nafsiyan ah(psychological factors)(personal problems) qofka oo shaqo badan haya maalintii oo dhan kadibna marka uu guriga usoo hoydo aan ka helin haweenaydiisa soo dhawayn aad u saraysa, in qofku uu kalsooni daro ka qaado haweenaydiisa ama gabadhu sayigeeda aanay aad ugu kalsoonayn iyadoon dhiiri galin badan siinin(sexual feeling), qofka oo wakhtiga uu galmada bilaabayo dareema iskubuuq badan (excessive nervousness owing to sex). Soojeedka habeenkii oo isaguna ka mida waxyabaha keena, iyadoo lo bahanyahay qofku inuu yareeyo saamalaylka ama soo jeedka faraha badan.

2- Qofka oo ay la soo darsaan dhibaatoyin xaga jidhkisa ka imid kuwaas oo ay ka mid noqonayaan, qanjidh xanuunka (thyroid gland) xiniinta oo ku xanuunta (prostate infective diseases) iyo isbadalka ku imaada maskaxda oo qayb wayn ka ah biya baxa qofka. Tusale ahaan, adigoo ka fikiraya waxyaabo kale oo aad samayso galmo waxa hubaal ah in ay iman karto dhibatadani

3- Cabida sigaarku waxay qayb laxaadle ka qadata dhibatadan in qofku uu xajin waayo biyaha wakhtiga galmada, sababtoo ah unugyada dhiiga qaada waxay noqdaan kuwo aad u yaryar(our cells become smaller due to smoking) markuu qofku sigaarka cabo, taasoo hadhaw keenta in dhiiga qofku uu xoog u shaqayn waayo(poor blood circulation).

4- Cunista qaadka, waxa laga yaaba dad badan inay is waydiiyaan waa maxay sababta cunista qaadku ay biyo baxa u keento, akhriste qaadka oo ay ku jiraan maadooyin badan oo raacsan qaybta mukhadaradka(drug additctive) qofku marka uu qaadka cuno waxa laga yaaba in hamiga uu u hayo inuu la galmoodo xaaskisu uu yahay mid aad u sareya (high capulation drive) lakin inka yar 3 daqiiqo ama 2 daqiiqo ayuu qofku ku biyo baxaa(early discharge) isagoo markiiba noqda qof hurdo hayso, taasna waxa ugu wacan cunista qaadka oo ah daroogo la dagaalamaysa jidhkena(physical and mentally problem) qofkuna aanu awoodin inuu marlabaad xaaskisa u tago.

5- Qodobkan 5aad oo ah ka ugu muhiimsan ee dhakhaatiirka caalamku isku raaceen inuu keeno biyo baxa dagdaga ah80% ayaa waxa loo yaqaan afka qalaad(masturbation) ama qofka oo isagu gacantiisa iskaga keena biyaha isagoo kali ah. Waxa la ogaaday in dhalinyarta rag iyo dumarba ay ugu wacantahay in boqolkiba konton ay ku keento dhibatadaasi biya baxa dagdaga ah marka uu qofku guursado.

6- Daawashada filimada aan haboonayn ayaa qayb laxaadle ka qaata biya baxa dagdaga ah taasoo ay ugu wacantahay inay maskaxda qofka badalaan isagoo qofku aan ogayn ayaa waxa ku iman karta in hadhaw markuu xaas yeesho uu hayn kari waayo biyahii(dawashada filimadaas oo la isku raacay inay hoos u dhigaan raganimada ninka).

Maxaa dhibaato ka iman karta?

Akhriste, waxaan filaya inaad fikrad fiican ka haysato mawduucan, waxaynu isku dayaynaa ama ay su,aasha ugu muhiimsani tahay, biyo baxa dagdagi ahi rag iyo dumarba dhibaato maku keeni karaa habsami socodka qoyska?
Su,aashan oo in badan muran ka taagnaa ayaa dhawaanahan danbe la isku raacsanyahay in ay jawaabtu tahay HAA!

Way adagtahay in ninku uu ka hadlo dhibaatadan iyadoo raga badankoodu ay qarsadaan taasoo ay u arkaan inay tahay mid aan haboonayn in laga wada hadlo, akhriste dad badan ayaa aaminsan inay tahay ceeb in qof dhakhtar ah ama aqoon u leh dhibaatadan la waydiiyo sidii looga bixi lahaa.

Waxa marag ma doonto ah, in wakhtiga galmada ay niyad jab wayn ku tahay lamaanaha in midkood uu hore u biyo baxo isagoon qofkii kale gaadhin ahmiyadii (climax) taasoo raga ay dhibaatadani haysato ay anfariir ka qaadan, inay la galmoodan xaasaskooda dhibatadan awgeed, iyagoo isku arka inaanay ahayn nin buuxa.

Run ahaantii taasi waxa aad ogata  in xanuunkan premature ejaculation uu yahay ka ugu sahlan ee laga dawoobi karo, qofkana nolosha lamaanihiisu ay ku hagaagi karto. Isku soo wada duuboo, dhibaaatada ugu wayn ee ka iman kartaa waxa weeye inaad qancin kari waydo xaaskaga taaso mararka qaar keenta xidhiidh xumo qoys.

Dawo maleeyahay?

Inagoo soo gaadhnay nuxurkii maqaalkeenan, warka fiicani waxa uu yahay in xanuunkan looga dawoobi karo si aad u dhibyar.
Akhriste, hadii aad hore ugu tagtay dhakhtar oo uu kusoo qoray kiniinada awooda siiya ninka xiliga galmada ee ay ka midka yihiin, Viagra, creams, spray etc, waxaad ogaataa in xaaladu ay kasii darayso, waxa la isku raacay in dhamaanba kiniinada noocaas ah ee tamarta siiya raga ay yihiin qaar aan haba yaraatee waxba ka tarin xanuunankan biya baxa dagdaga ah.

Dhalinyaro aad u tiro badan xanuunkan waxa ku keena iyagoo badankoodu daawada filimada aan fiicnayn ama loo yaqaan(blue films) waxay culimadu isku raaceen inay door wayn ka tahay biya baxa dagdaga ah, akhriste hadii aad jeceshahay inaad xaaskaaga qanciso waxa kale oo haboon inaad joojiso waxyaabaha aan hore u soo sheegnay oo aad maskaxdada u sheegto xaqiiqda, waxa kale oo aan hadal ka taagnayn in qofkoo kaligii biyaha iska keenaa uu dhaxli karo biya bax kadib markuu guursado ama ka horba.

Hadaba waa noocee habka ugu fiican ee aad kaga dawoobi karta?

Boqolkiiba 80% ilaa 90% ragu way ka dawoobaan xanuunkan, hadii ay helaan daryeelka looga baahanyahay, (better control theraphy)

1- Waxaad ugu horayn joojisaa cabida sigaarka, cunista qaadka iyo drugs kale hadii aad istcmasho gabi ahaantoodba, inkastoo ay adagtahay in qofku u balwad uu leeyahay hore u joojiyo waxaad isku daydaa inaad badsato cabista biyaha (mineral water) aroortii hal litir oo biyo ah intaanad quraacan, mudo 3 bilood ah.

2- Hadii ay da,daadu u dhaxayso 18- 35 waxaad ogaata biya baxa hore in uu yahay wax caadi ah oo aanay dhibaato badan lahayn, waxaad isku daydaa inaad maskaxdaada ka saarto inaad biyo baxayso wakhtiga aad hawsha ku jirto, adigoo fikirkaga gaynaya meel kale si ay kaaga raagaan. Dhalinyta u dhaxaysa da,daas waxa sabab u ah in ay hore u biyo baxaan guurka oo ay ku cusubyiiin iyo farxad galmo oo qofkii awood u yeelan waayo inuu control u sameyo biya baxa(sexual excitement) taasina wax dhibaato ah kuma laha qofka haba yaraatee, waxaad isku daydaa uun inaad hawsha mudo yar kadib bilowdo(second go)

3- Calooshaada oo buuxda ama aad cunto cuntay inta aanad galmada samayn kahor, akhriste waxa dhakhaatirku isku raaceen inay qayb wayn ka tahay biya baxa ragu marka ay calooshu buuxdo(sex on full-stomach results premature ejaculation) hadaba waxa haboon inaad 3 sacadood ka hor wakhtiga aad galmoonayso  wax cuntay.

4- Wakhtiga aad galmada ku gudo jirto, waxaad isku daydaa inaad jidhkaaga oo dhan ka dhigto mid dagan adigoo adeegsanaya inaad marna neefta kor u qadato marna soo dayso ( breathe in-breathe out )

5- Isku day inay xaaskagu ku tidhaahdo erayo ay ka mid yihiiin ‘jooji’ Stop it, ‘ Xaji’ (hold it) iyo qaarkale oo dhiiri galin ah, tani waxay qayb wayn ka tahay barashada galmada dheer dhinaca maskaxda iyo laqabsigaaga, u sheeg xaaskaga marka aad soo dhawdahay si ay kugu dhiri galiso inaanad biyo bixin.

6- Raga intooda badan waxa suuro gal ah inay ku fiicanyihiin marka labaad, (second round) fadlan hadii aad tahay qof ay biyuhu hore uga imanayan, isku day inaad mar labad xaaskaga u tagto adigoo inta wakhtiga u dhaxaysana xaaskaga habab kale ku mawelinaya, marka aad kacdana hawshii dhamays ka dhigaya, waa siraha ugu muhiimsan, fadlan tijaabi.

7- Fadlan jooji dawashada filimada xunxun, sawirada xunxun, iyo eegista dumarka aan asturnayn, waxay qayb wayn ka yihiin hami yaraanta, waxa kale oo haboon in qofku uu gabi ahaanba jojiyo iska keenida biyaha uu isagu iska kenayo. Qofka waxkale oo oo haboon inuu yareeyo galmada faraha badanle mudada hore ee uu rabo inuu xanuunkan ka bogsado, waxa ay culimo badani isku raacsanyihiin in galmada ugu fiican uu qofku samayn karo halkii week maalin, tani waxay soo celin kartaa tayada biyahaga iyadoo yarayn karta biya baxa badan ee had iyo jeer kugu iman kara.

8- Hadii ay dhibaatadu intaa ku istaagi waydo waxaan kugula talinaya inaad u tagto dhakhtar adigoon ka xishoonayn, fadlan ka digtoonaw dhakhatirta bixiya kaniinada biyaha rajiya ee ay ka midka yihin Viagra iyo spray’s ka la isku buufiyo kuwaas oo dhamantod xaalada sii xumeeya, waxad raadisa dhakhaatirka lo yaqan (theraphy doctors) iyagoo ku siin doona talooyinka ugu haboon.

Cuntooyinka aad cunayso!
Akhriste, cuntooyinkan waxaad cuntaa maalinkasta mudo 3 bilood ah insha allah waxaad la kulmi doontaa is badal wayn.
Cuntooyinka aad u baahantahay:-

1. Qamadida(habeenkii hadaad heli karto casho ahaan)
2. Xasiida macaan(sweet corns)
3. Baamiyaha(isaga oo qadada lagu karinayo)
4. Beans ka cad
5. bariiska
6. Sesame seeds (Tal)
7. Basasha cad (xabad maalintii way kugu filantahay)
8. Toonta oo aad cunto(very recommended)
9. Karooga, hadii aad ridqi karto isagoo bila sonkor ah
10. Coconut hadii aad helayso waa muhiim
11. Cinabka
12. Tufaaxa
13. Muuska
14. Maangada
15. Kaluunka iyo wixii sea food ah oo dhan(waa muhiim)
16. Hilibka (red meat)
17. Caanaha(nooca aan labeentu ku badnayn) law fat milk
18. Ciirta, ama yogurt, aroortii ayaad ku quraacanaysa
19. Ugu danbayn waxaad cabaysa maalintii biyo badan si ay shahwadaadu  u noqoto mid tayo badan (quality semen sperm)

Cuntooyinka aad ka fogaanayso!

1- Basbaaska cas
2- Cuntooyinka dhanaanku ku badanyahay(all sour foods)
3- Tea, Coffee, Caffeine
4- Khalka lagu daro saladka (vinegar)

Guntii iyo gabagabadii mawduucan maanta, waxaan ka cudurdaaranaya inaanan maqaal iyo laba aanan kusoo koobi karin balse ay tani hordhac ku filantahay. akhriste wixii su’aal ama talo ah igu soo waydii cinwaanka hoos ku qoran.

Hibayn: Waxaan u hibeyey qoraalkan dhamaan umada afka somaliga ku hadasha intii uu anfici karo, dhalinyar iyo waayeelba, waxa hubaal ah in qaar ka mid ah bulshadeena ay dhibaatadani fara baas ku hayso, fadlan ka hortagu wuu ka fiicanyahay is dawaynta, waxaan ugu danbayn soo jeedin lahaa in aad ilaahay waydiisato caafimaad kaamil ah oo aad ku dedaasho cibadada  insha allahu. Hadii aad u baahantahay reference ku saabsan cilmi baadhistan isoo dir email si aan kugu soo diro wixii resourses ee aan hayo.

Maqaalkan maqaalka xiga oo aynu kaga hadli doono, ahmiyada ay cabitaanka biyuhu u leeyihin caafimadka qofka, inta xanuun ee ay daweeyan iyo xaddiga biyaha ee uu qofku u baahanyahay maalintii.

NB: Qoraalkan xuquuqdisa waxa iska leh qoraaga oo kaliya, dib looma daabici karo, lama badali karo, laakin waa la kaydsan karaa.

Wabilaahi tawfiiq
Dr Ahmed sheikh
a_sheikh84@hotmail.com
(source: hadhwanaag.com)

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

13 comments
Leave a comment »

  1. Asc ,waad mahadsantihiin dhamaan shaqaalaha ladaneey ,  siiba qoraha maqaalkan  Dr Ahmed Sheikh, waxaan ku leeyahay waad ku mahad santahay talooyinkaaga wan wanaagsan.  Insha allah  way na anfici donaan :-) <3<3

  2. marka hore salan kadib waxan halkan uga hanbalyaynayaa qoraaga maqaalkan  iyo dhaman bahda LADANEEY kahawl gasha  qoraalkana waxan filayaa inuu noqon doono mid ay dhalainyaradu ka faa iidaysan doonan inta dhibtaasi haysatay iyo in takaleba

  3. aad ayaan uga helay runtii markii aan akhristay waana ku mahadsantihiin dhamaan dadka qoray iyo kuwii fekerkaan ka shaqayeyba runtii waa feker muhiim ah aad runtii wax badan ayaa kajira aniga ahaan aad ayaan uga faaiidaystay insha alalah waxaan rajaynayaa wixii aan faaiidaystay in ilaah igu anfaco idinkana ajar ilaah idinka siiyo..asc

  4. mugga hore salaan mugga danbe xaan ku irri  dawada aan aqaano baa ka wacan waxad sheegayso  daawo dhireed ,iyo daawo xolaha laga helo  xaa ka mida idheh  malow iyo ukun minaad isku darto mudo todoba beri aha xaad arkee walax biyo adag iyo walax biyo badnaan  2 mugga ii dheh  minaad tmalab iyo xabatu sowda isku darto xaa walax ffican ku jira  marka walaal  soomaalidu waxay ku maah mahdaa cimrigaa jebyeey waa guskoo caajis kaagale  wax kaloo lagaa caawiyaa cidi ku siisaaba… adoo cadrad gabadh laguu aroosay  habeenkii la rabay inaad axankeeda dhigto hadaad noqoto mid finisha  sow kugu daadan mayso  marka walaal hadaad qancin waydo walaashaa xaskaaga  xaa lagu falaaaaaa cuntadu waa kugu qasaareb naagina ninka jeegada ka qaniina bay taqanaaa sida diiga  ama doorada  bilcan baa hada ka hor waxay igu tir raga waxan ugu jecelnahay ninka na xanuujiya ama na xagaariya  oo aan subixii kici kari weyno sinuhu na murxo siilku na xanuuno jeegadu xoqonto sinuhu bararo  ninka caynkaas noo gala rag wax ulam qaybino kkkkkkkkk  ok by idinkaa wax nay diiyey  waan idiin jawwabnay walalayaal  laba luqadood baan isticmaalay  wana labad aan u dhaldhay ama u dashay dee ok

  5. Masha’Allah walaal Dr Axmed Sheekh waxaan kuu mahad celinaa , mahad aad u balaaran. Dhab ahaantii maah maah Soomaaliyeed ayaa ahayd,” nin wax kusiiya waad heshaa nin wax kuu sheegase ma heshid” waa sax. Maanta nin badar kaa dherjiya waa helee waase yarya nin dantaada kuu sheega. Waxaana hubaala cilmigaa baraty in aad ku faa iiday oo aad bulshadaadii uga faa iidaysay. Siise wad dadaalkaaga.

    Teeda kale ninkaagaan wata ” Maaweele” sida aan aan magacaag ka aragno maaweelo ayaa wadaa , balse wax jiraa laguu sheegay hadii aadan rabin , meesha ha buuxin kastanana meelaha kale ayuu ku wacanyahay. Meeshaan qofka ra’yigiisa ayuu ka dhiibaa , waa sax adiga ra’yigaagaa dhiibatay waxaadse meel kaga dhacday walaalkii maqaalka qoray………. Ustaad intaa kaftan iyo canaan yar ha iga noqotee igana raali noqo Allaha kaa raali noqdee. Asalamu Calaykum.

  6. walaahi  dr axmed talo fiican baad bixisay  inshala  ilaahay  hayana  garansiiyo
    waanad ku mahadsantay  inbadan  oo bulshadeena  ka mida  ayuu  dariskani  anfacayaa  oo  ka  faaiidaysandoona thanks  dr axmed sheekh

  7. waa uu mahadsan yahay qoraaga qoray maqaal kan waana arin loo baahnaa in wax lagu ogaado waxaanan ku dhiiri gelinayaa ina sii wadaan barrnaamijyada caafimadka waayo caafimaadku waa qaali

  8. Marka hore  ilaahbaa mahad iska leh marka xigta waxaan halkan uga mahad celinayaaa Dr .Ahmed sheikh
    Run ahaantii hadaynu soomali nahay waxyaabo haboon in bulshada loo bandhigo ayeynun ceeb u aragnaa taasina waa fikrad khaldan .
    Hadaan ka hadlo faaiidada uu leeyahay casharkan waa faaiido 100% muhiim ah naftaydana si wacan baan uga faa iidaystay waxaan sidoo kale halkan uga hambalyeynayaa ladaneey
    waadna mahad santihiin
     
    w
    d

  9. asc wr wbr waa ku mahadsantahay warbixintaada
    anigana waxaan ku dari lahaa ama aan dhihi lahaa dhalin yarada
    markey galmada sameeynayaan badinkood waxeey istacmaalaan ama ay ku galmoodan mugdiga fadlan isbar marka galmo sameyneyso inuu kuu yaalo qolkaga nal ama leerka hurdada loogu tala galay shido marka galmada sameeyneyso adigoo maskaxdaada joogto oo arkaya wixi dhinacyadaada ama seriirda aad ku galmooneydo ciyarta ka socoto si indha hadi kala fur ha isku qabanin markaa howsha haayso si mudada biyabaxa udheerado. saas tijaabi waad mahad santihin dhamaaln asxaabta jecel raaxada ama biyabaxa oo dheeraado

  10. Asc Dr. axmed waa ku mahad santahay talooyinka aad nasiisay e wax ku oolka ah noloshana qeyb muhim ah uga jira .
    haddii aan guda galo su’aalaha aan ku weydiino waa sida tan:
    1- cudurka baabasiirka maxuu dhib ah ayuu galmada ku keenaa.
    2- bisbaaska cas ama midka cagaaran maxay galmada ku siyaadiyaan ana u dhibaan.
    3- qofka dhaqsi biya baxa marka hore marka xigtana aan biyo ka i manaynin maxaa keena .
    4- caadiyan sidee buu ninka raga ahe galmo badan u sameynkaraa ilaa 3 jeer asigow biya baxaya see la gu heli karaa.

  11. aad buu u mahad san yahay qoraha maqaalkan hakin hadii aan rabno inaan su aalo wixii aan qabno waydiino Dr halkee baan kala xidhiidhi karnaa

  12. waa arin muhiim u ah bulshadiina somaliyeed wayo wwxaa jiraa dhalinyaro qaar oo isku arkey cuduradaas

  13. maa shaa alaah

Leave Comment


Ad