Dumarka soomaaliyeed waa dheemanta lagu badbaaday

Dec 11th, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics from: bbc.co.uk

Nin deeqba haweenle baan ahay
Haddana dafiraaya baan ahay
Dabeecado jaanle baan ahay
Darbaal nin ku seexda baan ahay
Haddana ka dillaalayaan ahay
Nin dayn lagu biiliyaan ahay
Dawaro ku xeraada baan ahay
Haddana duhur jiifa baan ahay
Duddada nin ka buuqa baan ahay
Darroorrina joojin baan ahay
Duqayda nin caaya baan ahay
Digriiyo ku faana baan ahay
Talana dooyeysan baan ahay
Qudhaan dabanaynin baan ahay
Daayeer maryo loo xidhaan ahay
Haddana wax dacaayadshaan ahay

Cutubkan oo ku jiray gabaygaygii Soomaali Dafuufan Baan Ahay (1999) ayaan  xusuustay markaan arkay deeqda ku dayashada mudan ee ay haweenka ka soo jeeda Awdal/Salal ee deggan dalka Ingiiriisku ay ku taageereen dhismaha jidka Boorama-Dilla ee hormoodka u yahay ururka ASARDA.

Ma aha mid curad ah oo waan uga baranay in haweenku ay wanaagga iyo samafalka u dabacsan yihiin, in ay dhisaan wixii rag dumiyey, fuliyaan hawshii rag ka seexday, oo ay hawl u heelanaadaan inta raggu hadal iyo huuhaa ku foogan yihiin.

Waxa dhab ah in deeqda cududa leh ee haweenka Awdal/Salal ay ku bixiyeen  saacdo yar gudahood ay ragga ku qaadan lahayd muddo aad u dheer haddiiba ay huraan in ay wax bixiyaan.

Balaayo kasta oo dhacdaa waxay is beddel ku keentaa aragtida qofka, waxay u dillaacisaa indho cusub oo uu wax ku qiimeeyo. Taasi waxay dhaxalsiisaa in uu barto qiimaha runta ah ee wax walba leeyahay. Waxa ka mid ah in wax uu qofku markii hore qiimayn jiray uu ogaado in aanu qiimo buuran lahayn, wax uu indhaha ka lalin jirayna uu arko in ay yihiin jawharad aan qiimaheeda la malayn karayn oo ka qarsoonayd.

Haddaba waxa hubaal ah in balaayada Soomaali ku habsatay waxyaabaha laga bartay ay tahay qiimaha iyo doorka udub dhexaadka ah ee ay haweenk ku leeyihiin bulshada  dhexdeeda.  Waxa jirtay maalin uu Abwaan Xasan Sheekh Muumin ka hadlayey madal qaadhaan loogu ururinayey Jaamacadda Camuud magaalada Boorama uu sheegay in dadku markii ay balaayo dhacdo ay ka naxaan iyaga oo eegaya dhinaca dhibtda iyo dhiiladda.  “Aniguse maanta waxan leeyahay” ayuu yidhi: “Balaayoy Mahadsanid. Maxaa yeelay dadka reer Awdal maanta jaamacad kuma ay fikireen haddii aanay balaayo dhicin.”

Waxa kale oo isla maalmahaa hadal kaa la mid ah yidhi Suldaan Yuusuf Aw Muuse Gasle isaga oo la hadlaya weftigii taakulada Jaamacadda Camuud  oo uu kula kulmay tuulada Jaarraa Horato. Markii uu jalleecay in xubnaha weftiga ay ka mid yihiin dhalliyaradii dalka wax u baratay oo intii ay dugsiyada ka baxeen dabadeed aan dib loo arag ee Xamar iyo dhul fog u qadhaabsi tegey, ayaa waxa hadaladii uu madashaa ka yidhi ka mid aha: “ Horta maanta Ilaahay baa mahad leh. Idinkase wax mahad ah oo aan idiin haynaa ma jirto. Maxaa yeelay ciiddii aad wax ku barateen ayaad ka dhoofteen oo aad dib u soo eegi weydeen. Ciiddii ayaad ma dhalays ka dhigteen. Haddaba maanta markii Xamar dhibaato ka dhacday ee aad soo guryo hoyateen ayaad wax qabanaysaan. Markaa waxan leehayay Ilaaha meelihii aad ku dhuumanayseen idina soo saaray ee  ciiddii idinku soo celiyey ayaa Mahad leh.”

Labadaa hadal ee xikmadda lihi waxay la cudud yihiin hadal aad uga dambeeyey oo uu yidhi ninkii Madaxweyne Obama u ahaa Horjoogihiisa Aqalka Cad (The former White House Chief of Staff)  Rahm Emanuel , hadalkaas oo ahaa: “You never want a serious crisis to go to waste, and what I mean by that is an opportunity to do things that you didn’t think  you could do before.” (Qofna ma jecla in uu dhibaato xoogle oo soo martay khasaariyo, waxan uga jeedaa waa fursad aad u heshay in aad fuliso waxyaabo aad markii hore moodaysay in aanad fulin karayn.)

Hadaladaasi waxay inna tusayaan in macdanta fiican ee qofku soo bixi karto kolka uu balaayo la kulmo.  Carabtu waxay tidhaahdaa marka cuudka la shido ayaa udgoonkiisa la ogaadaa.

Waxa hubaal ah in marka nabadda iyo barwaaqada lagu jiro ay dadku is dhigtaan oo aan wax badan la qabsan, balaayaduse ay dardar geliso qofka awooddiihiisa iyo rabitaankiisa si uu balaayada uga gudbo oo uu guryo samo u gaadho. Gabadhii Maraykanka ahayd ee la odhan jiray Helen Keller oo ahayd gabadh carruurnimo ku weyday aragga iyo maqalkaba dabadeedna rabitaankeeda iyo hadhiwaa la’aanteeda awgeed ku guulaystay in ay tacliin barato oo weliba ay buugag badan qorto waxay tidhi:

“Character cannot be developed in ease and quiet. Only through experience of trial and suffering can the soul be strengthened, ambition inspired, and success achieved.” (Dhaladka qofka laguma kobcin karo raaxo iyo degnaansho. Sida keliya ee lagu soofayn karo nafta, himiladana kor loogu qaadi karo, guulna lagu gaadhi karaa waa iyada oo qofku dhibaato ku laylyamo.”

Markaa hawsha uu qofku u galo sidii uu dhibaatada uga bixi lahaa ayaa keentaa in uu helo sirta horumarka nolosha sida aan ka dhuuxi karno hadalka uu yidhi Abwaankii reer Swistzerland ee la odhan jiray Henri-Frederic Amiel qarnigii 19aad: “You desire to know the heart of living, my friend? It is contained in one phrase: make use of suffering.”(Saaxiibkayow, miyaad rabtaa in aad ogaato sirta nolosha? Waxay ku ku jirtaa weedh keliya: ka faa’iidayso dhibaatada.”

Haddaba waxa runtii caddaadatay in dhibta iyo balaayooyinka ku habsaday Soomaali meel kastaba ha joogtee ay soo faqday oo banaanka soo dhigtay run in badan inaga maqnayd ama laga indhola’aa oo ah in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin dheemanka dalka iyo dadkuba u aayey.

In kasta oo waxa maqaalkan igu dhaliyey ay ahayd kaalinta wacan ee haweenka Awdal/Salal ee deggan dalka Ingiriisku ay ka galeen dhismaha jidka Boorama-Dilla, waxan jecelahay in aan xuso in haweenka Soomaaliyeed ay yihiin kuwa ay dhibta ugu weyni ka soo gaadhay balaayooyinka dhacay, sidaa awgeed ay taasi keentay in ay ka gilgishaan oo inta ay raggu dilka iyo burburka wadaan ay iyagu  geedka nolosha adkeeyaan oo ay carruurtooda tusaan in ay ay dhibta ka soo bixi karto nolol qurux badan sida foosha xanuunka kulul ee hooyada ay uga soo baxdo nolol qurux badan.

In aan xuso hawlaha haweenka Soomaaliyeed qabteen waxay u baahnaysaa qoraal intan ka dheer iyo waqti badan, laakiin waxa marag ma doon ah in ay laf-dhabar ka yihiin wax kasta oo horumar ah oo meel kasta laga sameeyey. Jaamacadaha, Cusbitaalada, xarumaha agoomaha, jidadka iyo gurmadka aafooyinka intaba waxa si cad uga muuqda doorka lama illoobaanka ah ee haweenku ku leeyihiin. Intaa waxa weliba u dheer in haweenka dalka jooga ay yihiin kuwa had iyo jeer u xaydan sidii ay u soo kasban lahaayeen quud maalmeedka ubadkooga, kuwa dibadda joogaana intooda badani ay keligood carruutooda koriyaan.

Iyadoo ay sidaa tahay ayaa waxa la yaab leh in kuwa xaaraan quutayaalka ah ee qoriga la cararaya meelaha dagaalku ka socodo waxa ugu horreeya ee ay noloshooda iyo xuquuqdooda ku tuntaan ay tahay haweenka. Ujeedadooduna waxa weeyi iyaga oo og sida keliya ee ay nolosha dadka ku joojin karaan oo dadku isku dhiibi karaa in ay tahay in ay haweenka jidhkooga googooyaan, banaanada ku toogtaan, inta nolol ku hadhana hawada iyo qoraxda u diidaan oo iyaga iyo ubadkoogaba neefta ku dhejiyaan.

Waxa kale oo xusid mudan oo dad badani aanu aad u ogeyn in gabdhaha Soomaaliyeed ee ku nool wadamada Gacanka Carabta ay yihiin kuwa keliya ee ay ku tiirsantahay nolosha reerahoodu. Gabdhahaa oo u badan kalkaaliyeyaal cusbitaalada ka shaqeeya ayaa noloshoodii iyo mustaqbalkoodii u huray sidii ay waalidkood iyo walaahood u daryeeli lahaayeen iyaga oo weliba ku jira duruufo adag oo aad uga duwan kuwa ay ku nool yihiin haweenka jooga dalalka reer galbeedku.

Waxan qormadan ku soo xidhayaa in aan sida odayaasha aan hadalkooda cuskaday  aan u hadlo oo aan idhaahdo: Balaayooy mahadsanid mar haddii aad na bartay qiimaha haweenkayaga. Waxase arrinkan iiga horreeyey oo waa hore arkay Jaamac Ducaale oo ahaa gabayaa caan ku ahaa degmooyinka Wajaale iyo Dilla oo gabadh uu dhalay oo la odhan jiray Bidhiidho ay wiilashiisii oo dhan uga fiicanaatay. Jaamac arrinkaa hadalhayn buu ka reebay oo wuxu yidhi: “Maalin baan goblami gaadhay, oo waa maalinta inanta Bidhiidho wiil iga noqon gaadhay”. Markaa aniguna waxan leeyahay Soomaalidu maalinta ay goblami doontaa waa maalinta haween Soomaaliyeed la waayo.

Nin deeqba haweenle baan ahay
Haddana dafiraaya baan ahay
Dabeecado jaanle baan ahay

Bashir Goth
bsogoth@yahoo.com
(source:camuudnews.com)

Adiguna sideed u aragtaa kartida haweenka soomaaliyeed?
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

3 comments
Leave a comment »

  1. THANKS BASHIIR.
    Runtii Hooyoyinka Somaliyeed waa lafdhabar meelkasta oo ay joogaanba. Waayna ka so baxeen howlashoodi iyo inkabadanba rabi danbigooda ha dhoofa .
     
    HOOYADU WAA LAMA HURAAN
    “Hagaag waa loo socdaa
    Hor waa loo sii hoydaa
    Hadal waa la hindisaa
    Mudaan uurka hurrudnoo
    Culays bey hayn jidhoo
    Talaabtey la hakatoo
    Xanuun bey la hingateye
    Hooyadu waa lama huraan
    Ha’dii kale waxaan lahaa
    Habeen goor uu bartamay
    Caanihii bey nagu habtoo
    Horaadkeey noo dhigtoo
    Dharkii bey na huwiseye
    Hooyadu waa lama huraan
    Calooshaadoon hif oran
    Adiga oon ka haqab’bin
    Hunguri ma haweeysatee
    Hooyadu waa lama huraa
    Haddaan been lagu hadleyn
    Wadnaha harkiisa iyo
    Halbowlaha dhiiga wada
    Hareer baa laga dhigoo
    Halkeey joogaan iyagu
    Yaa loosoo wada hoydey
    Hooyadu waa lama hura”

  2. horaa loo yiri ,,nin aduunyo joogow maxaa aragti kuu laabana , hadalka meesha ku qoran iyo ciwaanka ismalaha markaan runta ka hadlo , qeybata aad haween ka oga hadasheyn waa wax sax ah oon dood ka taagneyn in haweenku noqday cadceed aan la qarin karin ayna ragg  badan  dhaamaan oo ay baahi badan oo qoyskaa xaliyeen lakin hadalka meesha ku qoran qeyn kamid ah waa hadal qabyaaladi ka muuqato iyo in muqdishiyo dadka walaalihiin oo dagan masiibadii ku dhacday ay reer owdal ku faraxsanyihiin oo hadeynan muqdisho masiibo ku dhacdeen ay reer owdal hormar gari laheyn  biyo dhaca hadalka meesha ku qora waa intaas  ilaah kaa weyn sub xaankee  ,,,

  3. s/c dhamaan gunta guntu dhashayeey  hadaad tihiin soomaali waa gumoowdeen idinka baa iskala qaadqaadaya yaa idin kal yaqaan  ma kal cad cad tihhin  isku midab isku hadal isku dhaqan  isku arag isku oogo  dabeecad is wada leh  markaas bay leyihiin rer hebel baan ahay iyo reer hebel baan ahay  maxaa  ka bi.ilahaaaaaa hadii aduun weynuhu kala yaqaan dadka ithopaia iyo kenya baa deris inala aha kan baa  kan baa hawiye ah kan baa isaaqa kan baa daara,oode ah ma yaqanin kuli somaali  baa la idiin yaqaan   hadaad somali tihiin gunguni dhashay oo aan siji iyo farac lahayn baad tihiin meel aad ka timaadeen lama yaqaan  aduunka dheeri baad ku noqoteen dal ma lihidin dadna ma tihidin diintiiniina waa ka leexateen adun yar  saman qaliilan baad sisaten  gurigiinii baad gubteen guri ninkale leeyahay nafta ula cararteen isagiina waa gubteen bal xagee la idin geeyaa  amerkaad kag qaylisiiseen , yurub baad kag qaylisiiseen, carab baad kaga qaylisiiseen afrikaa hada qaylinaysa, dadkiinii baad cunteen intii nolayd intii dhimatay xabaalihii baad ka soo qufteen rer xabaale qufe godane waa ina xabaale quffe mansuur waa ina xabaale quffe dhamaan somaali waa inma xabaale quffe  gunyahay guntu iska dhashay ee aan la aqoon meel ay kasoo jeedaan waar waxa yaa dhalay  waxaa ugu daran kuwa marba qolo sheeganaya carab baa nahay saas baan nahay waa wax bada qoorigeeda laga helay badmareeno baa iska dhalay baan u malaynayaa africaan iyo dad cadcad kolay somaalidu sinji maleh dadku waa cadan iyo madoww midna  maaha waa bilaa midab  bilaa sinji haday dad wacan yihiin dalkooda ma gubeen dadkooda ma dhaceen xamaalaha awoowayaashood ma quffeen< inaalilahi waa inaalilaahi rajicuun> waar waxa xagee laga keenay waa amxaaro awlaadeed waxu  uga jooga dadyowga dhulkooda hagaajistay  kiinii oon mid ka barwaaqo badanayn baad baabiseene ilaahay feraj ha noo furo somaliyeey sidani si maaha  ama iskal gura ama h iskala gurine walee isku doon baad saran tihiin soo  barya sinjigiina xumaaye ok by by

Leave Comment


Ad