Taxanaha talada raaxada guurka – qaybta 1aad

Dec 23rd, 2010 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

pics from: gettyimages.com

Ma laga yaabaa in raaxada guurkiinu u baahan tahay dib u cusboonaysiin? Ma laga yaabaa in aad rabtid in aad dib u soo celiso xiisihii iyo dareenkii xooga badnaa ee aad isu qabteen adiga iyo lamaanahaagu markii aad is guursanayseen, aad ogaato dareenka jirkaaga ee la xiriira raaxada guurka ama aad waqti xiiso leh la qaadato sayigaaga?

Sida ay wax kastaa ugu baahan yihiin in loo xanaaneeyo, farahana lagu hayo ayaa sidoo kalena xiisaha iyo dareenka ay isu qabaan lamaanuhuna mid la mid ah ugu baahan yahay. Hadaba waa kuwan talooyinka ku siinaya nolol galmo aad ku raaxayato oo xiiso leh.

Maalinta 1-aad
Qorshaysta waqi idiin gooni ah
Ka hadla habeen kasta 10 – 15 daqiiqo natiijada aad rabtaan in aad ka gaadhaan 14-kan beri ee sida heerka sare ah isu qaabilaysaan. Marka aad fiidkii cahaysaan banaanka u baxa idinka oo gacmaha ishaysta ama inta aydaan seexan oo nalka damin si tartiib ah isula hadashaan.

Shan arimood oo aad ogtahay in aad jirkaaga ku qanacsan tahay
Daraasad lagu sameeyay Jaamacada Texas ayaa waxa lagu ogaaday in dumraka isku kalsooni ay helaan dareenka raaxada galmada oo ka badan kuwa aan isku kalsoonayn. In kabadan boqolkiiba 20 ayaa waxa ay sheegeen in cuqdada ay ka qabaan jirkoodu hoos u dhigto ku raaxaysiga galmada. Markaa waxa haboon in aad inta aad qalin qaadato oo aad qorto shan qaybood oo jirkaaga ka mid ah oo aad ku qanacsan tahay, isna xusuusiso shantaas markasta.

Maalinta 2-aad
Sariiirta ha ka soo degin marka ay saaacadu idin toosiso
Marka ay saacadu qayliso subaxdii ayaa dhamaan dadku jeclayn, si qasab ahna uga soo degaan sarriirta. Hadaba 30 daqiiqo sii jiif adiga oo lamaanahaaga hab isa siinaya indhahana iska fiirinaya.

Dhunkashu isku macaslaameeya
Si dheer oo dareen ku jiro isu sii dhunkada inta aydaan kala tegin subaxdii, kana dhigta mid caado idiin ah sida aad caadada idiinku tahay in aad ilkoha cadaysataan subax kasta.

Maxkada ku deji aamusnaan iyo degenaansho
Waxa jira wax la yiraa Yoga oo ah in uu qofku sameeyo degenaansho uu ku fikirayo waqtiga uu hada ku jiro. Dumra badan ayaa waxa ku adag in ay is dejiyaan oo ay isku dayaan in ay is ilowsiiyaan hosha iyo kadeedka la socota nolol maalmeedka. Degenaansha la’aantaasina waxa ay saamayn ku yeelataa dareenka raaxada galmada. Qof fikirayaa si fiican uma raaxaysan karo.

Gasho dhar qurux badan
Iska bedel baatiga isku midka ah ee aad habeen kasta sariirta la soo koraysid oo ku bedel dhar qurux badan. Taasin waa mid tusaysa in aad ninkaaga u baahan tahay oo uu qiimo kuugu fadhiyo.

Maalinta 3-aad
La raaxayso subaxdii lamaanahaaga
Inkasta oo aad daalan tahay, rumaysi u baahan tahay, shaqadana rabin in aad ka daahdo ayaan kuu noqonayn sabab aanad kula raaxaysanayn lamaanahaaga. Fikir la isla qabaana waxa uu sheegayaa in faa’iido badani ku jirto raaxada galmada subaxdii. Sabatuna waa qofka subaxdii waxa ku jirta awood. Ta kale waxa jirku soo daynayaa dheecaanka la yiraa oxytocin oo ah mid qofka siiya farxad. Halkaas oo lamaanuhu ahaanayaan kuwa faraxasan maalinta oo dhan.

Qolka hurdada ka dhig meel raaxo ah
Waxa laga yaabaa in ay adag tahay in aad isla aadaan albeerko ama meelaha kale ee lagu soo raaxaysto marka uu usbuucu dhamaado. Hadaba qolka hurdada ka saar alaabta taal sida waraaqaha biilka, alaabta ilmohu ku dheelo, iyo waxyaalaha kale ee aan loogu talo galin qolka hurdada. Ku gogol sariirta maalin kasta go’yaal dhaqan oo qurux badan. Markaas ayaa qolka raaxada ee sariirtu taalaa noqonayaa mid kor u qaadayaa dareenka aad isu qabtaan

(source: prevention)

Waxa soo diyaarisay
Kadija Yonis
Ladaneey Magazine

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

2 comments
Leave a comment »

  1. walal waan idinsalamay dhaman bahada kashaqeysa wabka run ahantii  aad ayaan ugu faraxasanahay arimaha bulshada iyo lamanaha uu uqabto wax loo bahan yahay ayu ka hadlaa oo muhim aha run ahantii waan idiin mahadcelinaa walaha somaliyeed ee isku taxaluujiyay oo waqtigooda qaaliga ah siiyay waan mahadsantahiin

  2. Waxaan ugu baaqayaa hablaha meeshan isku baheysatay soo jeedinta waxyaabaha aan anshaxa aan u wanaag saneyn In alle ka baqdaan iskana joojisaan waxyaanaha aduunyadiina iyo aakhiradiina wax u dhimi kara

Leave Comment


Ad