Make-upka iyo Midabkeena

Jan 21st, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Quruxda

picsfrom:mischobeauty.com

Gabdhaha soomaliyeed oo u dhashay qurux iyo midab dabiici ah, ahna kuwa ugu quruxda badan marka lagu qiimeeyo haweenka kale ee geeska Africa iyo aduunkaba, ayaa aad u jecel inay muujiyaan oo soo ban dhigaan sifaha quruxdooda qarsoon iyaagoo isticmaala indho kuul, huruud, qasil, xine ama waxyaalaha casriga ah ee la isku qurxiyo ha ugu horeeyo mikyaajku (Make-upku). Natiijaduna tahay in ay dadaal ku muujyaan dhedignimadooda.

 

Inkastoo lakala badsado, hablaha qaarna ku dheer yihiin la socodka waxa cusub iyo xaragada sanad walba (yearly fashion trends), hadana waxay dhamaan isku raaceen iibsiga waxyaalaha dabiiciga ah ee aan jidhka wax yeelin (natural based products), iyagoo ka gaadha faa’iidooyin kala duwan sida; dhalaalinta iyo qurxinta midabkooda, la dagaalanka xasaasiyada, ka hortaga gebowga degdega ah (premature aging) iyo isbedelada kala duwan ee jawiga la xidhiidha.

 

Halka haweenka dalalka hore u maray aad u isticmaalaan kiriimo iyo midabo kala duwan siday u gaadhaan u jeedadaasi, waxa soo baxa sanad kasta midabo iyo habab kala duwan oo dumarku isku qurxiyaan taaso la jaan qaada lana socda is bedelka xaragada ee cusub (fashion trend changes).

 

Inkastoo gabdhaha soomaliyeed aad u xiiseeyaan mikyaajka hadana waxa dhaba ah in wadamada laga soo waarido alaabooyinkaas, in haweenkoodu inaga midab duwan yihiin, oo ka maqaar cad yihiin soomalida, ayaa hablo badan oo soomaliyeed iyaguna isticmaalaan midabo badan oo ku habooneyn ama ku soo bixi karin diirkeena madow. Iyadoo dhibaatadaasi jirto, walina aynaan gaadhin isku filnaansho aan kaga kaftoomi karno soo waaridida mikyaajkaasi waxa lagama maarmaan ah, inaan jawaab u helo isu dheeli tirka midabkeena iyo waxa inagu haboon.

Sidaa darteedna aynu ku xalin karno xulashada midabada jidhkeena munaasibka ku ah, tijaabo ku sameyno iyadoo gabadhu  marin karta mikyaajka gacanta xageeda danbe amaba ku dhiirato wajigeedaba.

Waxa lama huraan ah in aad ku dhiirato tijaabinta mikyaajka oo aan u arko talaabo aad u muhiim ah; si gabdh kastiba u hubiso midabada u khaaska noqonaya ee bilicdeeda soo saaraya. Taasi oo ay xaqiiqada jirtaa tahay in ay jiraan oo aan  aragno hablo marsan makeup khaldan, qurux uu kordhiyo daaye qaarkood foolxumo u soo jiido!  Halka qaar kalena isku badiyaan ama wakhtiyo khaldan marsadaan midabo khaldan.

Waxase soo shaac baxay sanadahan danbe warshado dhowr ah oo imika ku howlan soo saarida miikyaaj (makeup) u gaar ah dumarka midabka madow ama maariinka ah (darker complection or ebony tone), sida Iman Cosmatics, Ebony iyo qaar kaloo badan. Nasiib daro’se wali may gaadhsiinin ganacsigooda dalalka aadka ugu baahan yihiin dumarkoodu, sida kuwa ku nool qaarada Africa, iyada oo hada warshadahaasi ganacsigoodu aad uu ugu koobanyahay wadamada reer galbeedka.

Inkastoo dookhu jiro, hablaha qaarna jecelyihiin yaraysiga ama badsashada mikyaajka (makeup) caado ahaan,  mikiyaajku waxa uu leeyahay wakhtiyo iyo habab u kala gaara oo mararka qaarkood ay haboon tahay yareysiga marsashadiisu, sida subaxii iyo duhurkii in la yareysto wixii ka danbeeya 5 galabnimona ay banaantahay badsashadiisu (sida hadaad xaflad tageyso).

Ugu danbeystii marsashada mikyaajka oo u noqoday mid daruuri mid, caana ku ah reer magaalka, iyadoo inan kasta aad ka heli karto shandadeeda mikiyaaj oo ay sidaa tahay, hadana ay haboon tahay in lala socdo noocyada cusub ee soo baxaya iyo hababka kala duwan ee loo marsado, taasoo aad ku gaadhi karto isku tijaabin joogto ah.

Waxa se jira sharci u gaar ah mikiyaajka oo khubaradu ku booriyaan dumarka oo ah muhiim, una baahan tixgalin gaara. Kaas oo ah in gabdha midabka cad lihi in ay marsato midabada khafiifka ama cadaanku ku badan yahay (light based shadows), halka inanta midabka madoow ama maarinka ahi ku soo baxayso midabada rasiinka ah ama digoon.


Fiiro Gaara
Intaanad marsanin mikiyaaj hubi in wajigaagu nadiif yahay, kana meydh habeenkii wajigaaga inta aanad seexanin, si aanu makeup.ku u xidhin daldaoolada uu leeyahay wajigaaga ee ka neefsado.
Milgo
(source: milgo-somalifashionista.blogspot.com)
Adiguna ka dhiibo rayigaaga!
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

3 comments
Leave a comment »

  1. Aad iyo aad ayaa uga xumahay  gabdhaha soomaamliyeed in raadiyaan midab cadaan ah  ayagoo u dhashay midab  madow dhalaalaya

  2. sidoo kale , gabdho badan oo aan arkay waay isku dhoobdhoobaan make up-ta ayadoo kalaro kala duwan ah sidaasna fool xumo weeye, anigu waxaan idin kula talin lahaa wajigiina nadiifiya kareem/labeen mariya , wax batso wax beel ayeey leedahay.

  3. quruxda sideedaba ma aha wax la isku raacsan yahay, sidaa darteedbaa qof waliba u jecel yahay qofka isaga qanciya ee soo jiita, hada ogoow rag badan ayaa aad u raadiya gadho madoow oo waliba aan marna is marin wax midabkooda badela, runtii waa dhab in ay haboontahay is qurxintu laakin waxa hablo badani taas ka raadinayaan wax bedelaaya caafimaadka maqaarkooda, waxaan hablaha soomaliyeed ee aanu walaalaha nahay kula talin lahaa in ay ilaashadan caafimaka oo ay isk hubiyaan daawada ay marsanayaan, waxa runtii jirta oo aan nikaagu marnaba diidayn waxyaabaha udgoon ee ad marsato iyo xinaheena iyo waxyaabihii hore ee aynu lahayn kuwaas baa kaa dhigi karaaya qof dhaalalaya oo ninkaagu aanu marnaba kaa xiiso dhacaynin iyo waliba ku darsoo dabeecadaa oo aad ka dhigto qof aanu ninkaagu miridho kaa maqnaan karinba

Leave Comment


Ad