U roonow gacmahaaga

Feb 9th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Quruxda

picsfrom: healthspablog.org

Shacabka soomaaliyeed ee u soo qaxay qurbaha ayaa waxa ay ku kala nool yihiin meelo kala duwan. Qaar ayaa joogaa meelo aad u kulul halka qaar kalan ay ku nool yihiin meelo qabow. Hadaba hablaha soomaaliyeed ee degan qurbaha, siiba meelaha qabow ayaa waxa ay la kulmeen jawi iyo cimilo ka duwan tii wadankoodii. Meelaha qabowgu ka dhacayo ayaa waxa dabaysha qabow ee ka dhacdaa qalajisaa gacmaha.

Dabaylaha qabow ee ka dhacaya banaanka wadamada qabowgu ka jiro iyo hawada qalalan ee guryaha ku dhex jirta ayaa keenta gacmaha oo qalala. Waliba xiliga qabowgu jiro oo uu badan yahay hargabka ku dhaca dadka ayaa waxa aad loo adeegsadaa isbiriit-ka gacmaha lagu dhaqdo si loo ilaaliyo nadaafada, loogana hortago in aanu fidin cudurka hargabka. Isticmaalka isbiriit-kuna waxa uu keenayaa gacmaha oo qalayl ku dhacayo. Laakiin waxa jira dhowr hab oo aad uga hor tagi karto in gacmahu ku qalalaan, noqonayaana kuwo qurux badan oo jilicsan.

Waxa muhiim ah in marka aad gacmaha iska dhaqaysid aad adeegsato saabuun, ama kareemada saabuunta ah ee khafiifka ah, ogow in biyaha diiranina ama qandaca ahi ay ka fiican yihiin kuwa kulul ee gacmaha qalajinayo.

Marka aad xalayso weelka gasho gacmahaaga golofs-yada loogu talagalay marka weelka la xalayo si aad si aad uga badbaadid dawada weelka lagu xalo oo aad ugu daran gacmaha.

Markasta oo aad u baxayso banaanka gasho gacmaha golofisyada laga gashto qabowga.
Marka aad joogto banaanka ee aad ku hadlayso telefoonka, aad gacanta ku hayso koob kulul oo aad shaah ama kafee ku cabayso gasho gacmaha golofisyada dhaxanta kaa celinaya.

Waxa aad caado ka dhigataa in aad had iyo jeer marsato gacmaha kareem ay ku badan tahay duxdu, aan lahayn barafuum. Si uu u noqdo kareemku mid faa’iido keena waa in aad gacmaha ka goysaa wasakhda iyo maqaark qalaylka ah laba ilaa seddex jeer asbuucii ama sida aad u aragto in aad ugu baahan tahay.

Hadii aad leedahay gacmo markasta aad u qalalan oo safan (dil dilaacsan) ayaa waxa ku caawin kara adiga oo mariya kareem ay duxdu ku badan tahay, galiya gacmahana golofis-ka la isaga celiyo oo khafiif ah, kan samaysan cudbi. Kuna seexo habeenkii si uu kareemku u noqdo mid shaqaynaya.

Safiya Ahmed
Ladaneey Magazine

Adiguna ilaasho quruxdaada
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayigaaga.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

6 comments
Leave a comment »

  1. Masha allah wad ku mahadsantihin talada wanagsan o ad noso jedisen ilahay haynaga amal mariyo. Waxan donaya inan hal su.aal idin waydiyo adinka o iga rali ah .xage ka galì kara hadan u bahanay su.aalo diini ku sabsan? Mahadsanidin inti barmamijkan daadihisa dhan

  2. asw marka hore wad salamantihin marka xigta idinkoo iga raliya suaal ban qabaa suaasha oo ah  gacmaha ban marsanjiray hada kahor karemo kimiko ah  oonku daro biyaha casaysada loyaqaan ama loya qaan biyaha kalarka dumarka somalidu isticmaalan dabadeto wan jojiyay kimikadii iyo dhaman karemadii kadib biyihi an horay uso isticmalay waxay igu rebeen markan jojiyay faraha melaha xubnaha lee faruhu leyin mad madow iyo xooga qalayl qalayl ah marka maxa igula talin lahayden walalayaal  sida kale wa u caadi gacmahaygu bas farahaa madmadow xubnaha anka dareemayaa ee taladiina ban kawarsugayaa wana idin samay

  3. waxan kalo aan rabaa inad iisheegtaan waxyaalaha gacmaha dumarka nafaqada iyo quruxda galiya adinkoo iga raaliya oo aad umahadsan jawabaha wan idinka sugayaa walalyaal ilahayna jisaai iyo xasanaad haydinka siyo

  4. asw walayaaaaaaaaaaaaaaaaall jawab ban idinka sugaayay waxan ahay qadka sare ama qoralka sare gabadha so dirtay ila hadana mahayo jawabtiina an idinke eegayay ee idinkoo mahadsan maan soo qaldamay mise idinnka igala dahay jawabtii wadna mahadsantihin walal yaal jisaa aka laahu khayran
     

  5. lolz jawaabo diini ah halkan ka heli mayside wllo google weydii ayaan ku odhan lahaa. thanx

  6. asw walalyaal idinkoo iga raaliya dinmaan waydiin suaal diini ah ee waxan idin waydiiyay suaal ku sabsan uroonaanta gacmaha walaalayaal waxan ahay gabar somaliyed waxn joga qurbaha wadan marka kulayla marna qabaw ah marka waxan doonaya inad iishegtan ama talo iga siisan gacmahayga waxan marin jiray hada kahor karemo kimiko kujirto oo yar cadaynaya jirka hadana 3 kahor ban goan saday inan iska jojiyo waxyalahan kimikada ah dabadedna qalayl iyo iyo yar madmadow ban ku arkay gacmahayga takale quruxdi iyo dhalalki aylahaayen marki hore hada malaha markaa walalyal idinko mahadsan  maxan sameeya talo maxad iga sin lahayden arinta jawab ban idinka sugaya mahadsanidin walalyal

Leave Comment


Ad