Cilmi baadhis ku saabasan cudurka jooniska

Mar 3rd, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

picsfrom:sicklecellwarriors.com

Beerka waxaa ku dhaca cuduro badan, waxaana ka mid ah cudurka la yidhaado Joonis-ka ama cagaarshow-ga.  Hebataytis-ku ama Joonisku waxa uu u kala baxaan dhawr nooc oo kala ah hebataytis A, B, C, D iyo E.
Cagaarshow ma aha cudur ee waa calaamad ka mid ah calaamadaha lagu garto infection-ka beer-ka ama hebataytis-ka, waana marka indhaha, maqaarka, kaadida iyo saxarada qofku ay cagaar noqdaan.

Joonis-ka oo dhami waxa ay leeyihiin calaamada lagu garan karo kuwaas oo kala ah:indhaha, maqaarka oo midab Hurdiya yeesha, daal, calool xanuun, cuntada oo kaa xidhanta, lalabo, shuban iyo matag.

Dadka qaarkiis waxaa laga yaabaa in aan lagu arkin calaamadahaas ilaa xanuunku ama jirado ay meel xun gaadho. Tan kale, sida la i sugu gudbiyo virusyada cudurka jooniska keea aad ayey u kal kala duwanyihiin taas ayaana u baahan in aad looga taxadiro.

Hebataytiis A

picsfrom:hadhwanaag.com

Sida uu u fido
Waxaa la isugu gudbiyaa marka cuntada iyo biyaha ay fadareeyaan ama ku qasmaan saxaro ka timid qof qaba cudurka. Way yartahay in cudurka la isugu gudbiyo dhicana dhiiga.

Yaa khatar ugu jira in Joonis uu ka dhaco
Dadka Socdaalka badan, dadka ku nool meesha uu Hebataytis A uu ku badan yahay, dadka saaxibo la ah dadka qaba cudurka, meelaha caruurta lagu xanaaneeeyo marka cudurka uu dilaaco iyo dadka kuwa irbadaha la isku muddo wadaaga.

Sidee looga hortegi karaa Jooniska
Talaal. Waxaa jira talaalka hebataytis A. Waxaa kale oo wanagsan in la iska ilaaliyo biyaha fadaraysan iyo in la ilaaliyo nadaafada guud.

Dawada
Inta badan qofka wuu iska bogsada dhowr todobaad ka dib.

Hebataytis B (Hepatitis B)

picsfrom:hadhwanaag.com

Sida loo kala qaado
Virus-ka waxaa laga helaa dhecaanka qofka qaba hebataytiska sida candhuufta, dhiigga, shahwada iwm. Viiruska waxaa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida viruska ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin cudurka. Hooyada waxay u gudbin kartaa Ilmaheeda xiliga dhalmadada, dadka waa weyna waxay isugu gudbiyaan marka ay sameeyaan isutag (sexual contact), ama ay Irbad wadaagaan. Hebataytis B la-isuguma gudbin karo dhinaca biyaha, cuntada ama wada kulan caadi ah sida meelaha shaqada, iskuulaadka ama dukaamada.. Dhiig laga qaada qofka ayaa sheegi kar in Hebataytis B uu qabo iyo in kale.

Ka hortagga Joonis-ka nooca Hebataytis B
Cudurku ka hortag ayuu leeyahay. Talaal ayuu leeyahay. Tan kale waa muhiim in la iska ilaaliyo wax allaale iyo wixii keeni kara virus-ka. Waa in uu iska muddaa qofkii la kulmay qof qabo cudurka hebataytis B. Waxa afka qalaad la yidhaahdo Immune Globuling muddo hal Week-ah ama ka yar. Waxa la-isku muddaa talaalka hebataytis B.
Seddex Irbadood oo talaalka ah ee lagaga hortago hebataytis B. Talaalku waa amaan, waxa talaalku wax u tarayaa oo kaliya qofkii aanu hore ugu dhicin cudurku.

Dawada
Waxaa lagu daaweeya Alpha Inferon or Lamivudine.

Hebataytis C

picsfrom.hadhwanaag.com

Sida uu u fido
Virus-ka waxaa la isugu gudbiyaa marka dhecaanka qof sida virus-ka ay gaadhaan dhecaanka qof aan qabin viruska. Caadi ma aha in hooyada ay u gudbiso Ilmaheeda xiliga dhalmadada, ama dadka marka ay sameeynayaan isutag (sexual contact).

Dadka qaba intooda badan calaamado ma laha, laakiin qaar ayaa waxay dareemi karaan daal, lalabo, indhaha iyo maqaarka oo cagaar noqda (jaundice). Waxaa lagu garan kara in qofka uu qabo cudurka iyada oo la-iska qaado dhiig. Inta badan dadka uu ku dhaco hebataytis C waxaa ku dhaca kansar-ka beerka.

Dawada
Waa iyada oo la qaato Interferon taas oo u baahan in dhakhtar loo tago. Virus-ka qaar wali lama oga in ay keenaan hebataytiska waxaana lagu magacabaa ( non A….E) Hebataytis Ama Hebataytis X.

Waxa soo Diyaariyey soona Tarjumay.
Osman Abdillahi Sool
Freelance Journalist.
sooldhuub@hotmail.com

(source: hadhwanaag.com)

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad