Raac seddexdan talo si aanad uga daahin shaqada

Apr 17th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

picsfrom:kenyonreview.org

Hore ayaa waxa aan u soo qornay waxa ay dadka qaarkood sabab uga dhigaan in ay ka soo daaheen shaqada. Halka dadka qaarkii ay subaxdii ka yihiin kuwa firfircoon oo si degdeg ah isugu diyaariya danahooda maalmeedka ayaa kuwa kalena ay ku adag tahay in ay subaxdii hurdada ka kacaan ayaga oo ah kuwo aad u daalan. Taas oo ka dhigaysa kuwa aan ku iman waqtigii laga sugayay.

Hadaba hadii aad ka mid tahay kuwa ay ku adag tahay in ay ilaaaliyaan waqtiga ay shaqo, balan ama arimo kale u kacayaan ayaa waxa aan halkan kuugu haynaa seddex talo oo wax ka bedalaya hab dhaqankaagaas.

Diwaan gali daahidaada si aad u noqoto mid la socoda soo daahidiisa
Waxa aad soo diyaarsataa buug aad ku diwaan galinayso waqtiyada aad soo daahdo ama dib uga soo dhacdo shaqada. Meeqa minit ayay ahayd, maxaa sababay soo daahidaada iyo intee goor ayay dhacdaa? Waxa kale oo aad waliba ku qortaa buuga sidii aad dareentay markii aad soo daahday, iyo waxa kugu dhacay.

Kor u qaad kolsoonidaada
Ha ilaawin in aad qortid xilyada aad soo daahin. U fiirso sida ay u fiican tahay marka aanad soo daahin oo aad ka badbaado orodkii neef tuurka lahaa iyo gabgabtii aad ku soo gali jirtay shaqada. Amaan naftaada mararka aad hore u timaado shaqada oo si degana aad isugu diyaariso shaqada maalintaas.

La tartan soo daahida
Si aad isu siiso darajo markasta oo aad hore u timaado shaqada, kuuna noqoto arin caado kuu ah oo xiiso leh samee hab xisaabinaya darajo dhibcooyin ah, dhibcahaas oo aad isa siiso markasta oo aad shaqada timaado xiligii laguugu tala galay. Naftana amaan markasta oo aad dhibco sare gaadho, dhibcahana ka dhigo wax aad hiigsanayso.

(source:metrojobb)

Waxa soo diyaarisay
Kadra Adan
Ladaneey Magazine

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku qori kartid rayigaaga aad ka qabto maqaalkan.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad