Fanaanada Nimco Yaasiin Caraale Iyo C/casiis Mohamed Abdulle oo is calfaday

May 8th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

picsfrom:myspace alloftheanswers

Bishii hadda nasoo gudubtay ayey aheyd markii aay aqal galeen fanaanada Farxiyo Fiska Iyo Bashiir Hanuuniye. Maantana waxa loo tumay sacabka iyo dhaantada labadan fanaan ee aan kor ku xusan. Runtii fanaaniin badan ayey u noqon doontaa dhiiri gelin, halka xiligaan aay fanaaniin badan kusoo jiraan wadada guurka.

Waxa kale oo wararka maaweeladu ay qaar sheegayaan in Ikraan caraalle dooneyso guur deg deg ah,  si arimaha leysla dhex marayo ay dhinac ugu beedho oo ay bulshadeeda u muujiso in aaysan damac guur ugu jirin nin xaas leh.
Nimco Yaasiin Caraalle oo ah fanaanad ka soo jeeda Somaliland ayaa laga dareemayaa halkaas arooskeeda, hambalyo xoogana loo marinayaa hawada, dad badanina ay aad ugu farxeen.

Nimco waxaa lagu xasuustaaa heeso wadani ah iney u qaaday Somaliland, ha noqdeen kuwo doorasho ah ama kuwo calanka ah. Heesaheeda aay calanka u qaaday waxaa ka mida ah heesta aay isla wada qaadaan qaboojiye ee midhaheeda kamid ahaayeen:

Calanyahow babanaaya
Raaskaaga oo gada
Rabi darajadiisiyo
Rasuulkaa kuqoranoo
Ruux kaaa caroodoo
Somaliland rabin iyo
Ruushka Xooga leh
Kuma Ridi karaanee
Alle uun baa kurogi karaaya
Adinkuna Run iyo been
Kala reeba labaduye
Raaciya kitaabkii

Runtii fanaanada Nimco Yaasiin Caraale waa mid heesaheeda aadka u macaan aanan halkan lagu soo koobi karin, haba ubadnaadeen kuwo aay u qaaday Somaliland.

Markale waxaan leenahay kuwii isku waaro illaah ha idinka dhigo.
Aamiin! Aamiin! Aamiin!

Waxa soo diyaariyay
suxufi Ibrahim Ali Abdi {kalafoge}
Ladaneey Magazine

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayiga aad ka qabto maqaalkan.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk masha allah hees layaab leh

Leave Comment


Ad