Sidee loo baaraa xanuunnada maskaxda?

May 17th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Caafimaadka, Featured

picsfrom:hlifemedia.com

Khuburada ku takhasusay xanuunnada maskaxda ayaa waxay u kala qaybiyaan jirrooyinka maskaxda qaybo kala duwan.
Baritaanku waxa uu ka caawiyaa dhakhtarka inuu ogaado daawada fiican iyo inuu saadaaliyo waxa suuro galka ah inay dhacaan. Tani nafis bay u noqon kartaa qofka isku buuqsan si uu ogaado waxa ka khaladan.

Si kastaba ha ahaatee, baaritaanku xadbuu leeyahay. Waayo aragnimada qof kasta uu u yeesho isku dardaran xagga maskaxda ah waa mid u gaar ah, si khaldan baana loo akhrisan karaa, gaar ahaan haday jiraan farqi xagga dhaqanka, bulshada ama diinta oo u dhexeeya dhakhtarka iyo qofka bukaanka ah.

Qofbaa laga yaabaa in uu ka helo natiijooyin kala duwan dhakhtarro kala duwan oo jirradiisa baara. In si fudud uun la isaga abbaaro calaamadaha muuqda waxay noqon kartaa in aan qofka iyo xaaladdiisa guud ahaan ahmiyad la siin. Khibraddoodu waxa laga yaabaa inay micno u leedahay taasoo barista caafimaadku aysan gaari karin.

Khatar kale waxay ka iman kartaa markii uu baaritaanku noqdo calaamad la iskaga dhejiyo qofka, tusaale ahaan, intii qofka loo arki lahaa waalid, makaaniko, qoraa ama arday qaba xanuun maskaxeed, waxa laga yaabaa in qofka loo arko “wax waalan”? sidii oo baaaritaankaasi uu yahay gabogabo kama danbays ah.

Waxa muhiim ah in la xasuusnaado in baaritaanku aanu ahayn inuu asal u noqdo nolosha qofka oodhan.  Waxuu noqon karaa qayb yaro oo ka mid ah qofka taariikhdiisa ama shakhsiyaddiisa.

Waxa laga yaabaa in si buuxda looga raysto xanuun xagga maskaxda, dad badanina wayba raystaan. Mararka qaarkood dadku waxayba ka soo baxaan khibraddaas iyagoo intii hore iskala wayn, qaarna way soo dhaafaan dhibka intiisa badan, laakiin xanuunka khatar bay ugu jiraan wuuna ku soo noqnoqdaa.

Dhakhaatiirta maskaxdu si sugan uma saadaalin karaan waxa qof kasta uu ku danbayn doono. In laga raysto xanuunnada maskaxda intooda badan waa suuro gal, nasiib darro dadka qaarbaa loo sheegaa inaysan raysan karin. Hadallada noocaas waxay noqon karaan waxa bukaanku sugayay, waayo, waxay ku sii qancinayaan rajo la’aantii uu qabay..

Waxa muhiim ah inaan marnaba la is dhiibin wax kasta ha lagugu sheegee.

source:somalidoc.com

Adiguna ilaasho caafimaadkaaga!

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayiga aad ka qabto qoraalkan.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad