Taariikh faneedka Cabdi Shire Jaamac (Jooqle)
Jun 9th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, MusicFanaanka magaciisu waa Cabdi Shire Jaamac (Jooqle), wuxuu ku dhashay Gobalka Hiiraan, gaarahaan Magaalada Beledweyne sanadku markuu ahaa 1960-kii. Kadib Jooqle waxa uu u soo wareegay caasimada soomaaliya ee Muqdisho, isagoo halkaas ka bilaabay waxbarashadii aas aasiga ahayg. Cabdi Shire waxa uu fanka ku soo biiray 1971-kii, waxa uuna ka tirsanaa ubixii kacaanka.
Jooqle Shire wuxuu ka qeyb qaatay riwaayado kala duwan, asigoo da’diisu tahay 13-jir. Nasiib wanaag waxa uu tartan u galay barnaamishkii la’oran jiray Hirgalinta Heesaha ee lagu soo bandhigi giray tiyaatarkii qaranka. Waxa uuna Jooqle xiligaa uu tartamayay ka galay kaalinta koowaad. Heestii uu ku qaaday tartanka erayadeeda waxaa kamid ahaa [...yaa ku soo dhawaadoo dhaqsa ugu yimaadoo dhunkadoo laseexda], rawaayadii ugu caansaneed ee Jooqle ka qeybqaato waxaa lagu magacaabaa “Murugo iyo Macaan”. Waxaana qalanjo ka ahayd Hiba Nuura, halka Jooqlena ka ahaa aktar. Waxaana lasoo bandhigay sanadkii 1974-kii.
Heehasa uu ku luqeeyo fanaanka Cabdi Shire Jaamac Jooqle waxa ay iskugu jiraan jaceyl, wadani iyo weliba kuwa ku saabsan hidaha iyo dhaqanka soomaaliyeed. Waxa aana ugu caansan Heesihiisa [ Arabsiyo, Sabaax Barashada wacan, Muna, Luuley, Qeylodhaan, Kawaankii dadka, waxaad heysataan dira, iyo kuwa kale oon halkaan lagu soo koobi karin.
Fanaankan ayaa hogaamiya koox caan baxday oo lagu magacaabo (Reer Cayaar Jecel). Kooxdani waxa ay xil gaara ah iska saartay wacyi gelinta umada soomaaliyeed. Waxaa kale oo uu fanaankani caan ku yahay marka laga soo tago heesaha, dhanka laxan sameynta, isaga oo mararka qaarna ku tuurta eray curinta,waxa uuna tumaa kabanka.
Isku soo wada duube, Cabdi Shire Jooqle ayaa sheegay in uu fanka ku helay qaab dhaxal tooyo ah, maadaama aabihiis ahaa nin ku caan ah cayaaro dhaqameedka Soomaalida. Waxaa kale oo jira laba wiil oo ladhalatay Jooqle oo qudhoodu midna heeso midna abwaan yahay. Waxaana lagu tilmaamaa in ay yihiin qoys fanaaniin ah, kana heesa hadba xaaladu markaas halka ay taagantahay, waana kooxda ugu heesa soo saarida badan kooxaha soomaaliyed waayahaan dambe.
jilaa.com
Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayiga aad ka qabto maqaalkan, (comments).
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.






