Aar Maanta: Cod iyo cajaa’ib fanka ku soo kordhay

Jun 26th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Music

picsfrom:xaqiiqda.com

June, 25, 2011:  Waxay aheyd xilli habeen ah, jawiguna aad u daggan yahay, waxaan dhex mushaaxayay Bogga isku xiraha Bulshada ee Facebook,waxay si daymo fudud ahi indhaheyga u qabteen Muuqaal aad ii soo jiitay.

Muuqaalkaasi ayaan sii daba raacay, waana ku dhuftay, si aan u daawado, waxaa run ahaantii uu ahaa mid aad iyo aad u qurux badan, waxaana aad ii soo jiitay ka saxafi ahaan Habka loo duubay oo ay ka sii darneyd cod hallaasi ah oo muuqaalkaasi oo idil uu ku saleysnaa.

Codkaasi waxa uu ahaa Hees dabacsan misana uu codkiisa macaan si heer sare ah ugu soo gudbinayay Fanaanka la hollin waayay ee Aar Maanta.

Inta faah faahin iyo horudhac aanan ugu guda gelin heestaasi iyo Fanaankaba waxaan jeclahay inaan si kooban iftiin uga bixiyo Sababta igu kaliftay Qormadeydan.

Runtii markaan aad ula dhacay Codka, Miyuusigga, iyo Muuqaalka Heestaasi oo ah kuwa aad u macaan, misana ah kuwa la jaan qaadaya Fanka casriga ah ee iminka jira waxay igu kaliftay inaan sii daba kaco, kana qoro Qormadan aad aqrineysid Aqriste.

Aar Maanta waa Fanaan da’ yar marka loo fiiriyo Fanaaniintii hore, waxa uu sanadihii sideetameeyadii gaaray wadanka Ingiriiska, kaddib dagaalladii sokeeye ee dalkiisa Soomaaliya oo uu uga barakacay, sida aan ka soo xigtay Qoraal lagu daabacay Bogga Taariikh keydiyaha ee Wikipedia.

Wikipedia waxaa lagu sii qoray in Aar markii uu tagay wadanka Ingiriiska isaga oo kaligii ah, misana caruur ah, uu waqti geliyay siduu Miyuusigga u baran lahaa,waxa uuna ugu dambeyn galay Jaamacad, isagoo halkaasi ka baranaya Miyuusigga.

Waxaa layaab igu noqotay dad badanna ku noqon karta Sidee ugu suurta gashay Aar Maanta oo ku koray Qurbaha in Fankii Soomaaliyeed uu la jaan qaadsiiyo kan casriga, iyada oo uusan gaf ka gelin inuu horumar ku soo kordhiyo maahane?

Su’aashani Jawaabteedu waxa ay tahay laga soo bilaabo yaraantiisii illaa weynaantiisii marnaba Qalbigiisa kama aysan bixin Kalgaceylkii uu u qabay Fanka Soomaaliyeed sida ilo kale aan ka soo xigtay.

Sida aan xuuraansigeyga ku soo helay waxa uu Aar Maanta dheer yahay Fanaaniinta cusub ee Soomaaliyeed inuu Miyuusig u gaar ah garaacdo, isla markaana Masraxyada si toos ah looga tumo ama isaga uu tunto, inkastoo ay badanaa wehliyaan Koox dhan oo u garaacda Miyuusigga.

Xasan Aadan Samatar, oo kamid ah Fanaaniintii Qaranka Dalka Soomaaliya iyo Hobollada Waaberi waxa uu mar wareysi lala yeeshay ammaan ballaaran u jeediyay Aar Maanta iyo sida uu isugu xiray Fankii hore iyo kan dambe.

Haddii aad Aqriste ku daashay aqrinta Qormadan bal aan Dhulucda Sheekada kuu dhameystiro.  Heesta aan aadka ula dhacay waxay aheyd Hees cusub oo uu Fanaanku u qaaday Xaaskiisa “Ifraax” sida uu ku daabacay Boggiisa gaarka ah ee Facebook.

Heestani waxaa Miraheeda iyo Laxankaba iska leh Fanaanka weyn ee  Soomaaliyeed Axmed Ismaaciil Xusseen (Xudeydi), halka Codka iyo Miyuusiigga uu iska leeyahay Aar Maanta oo Miyuusig u gaar ah looga bartay.

Hadaba Halkan Hoose igala Daawo Heestaasi quruxda badan, isla hoosna ka aqriso Erayada Heesta:-

xaqiiqda.com

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayiga aad ka qabtid maqaalkan, (comments).

June, 25, 2011:  Waxay aheyd xilli habeen ah, jawiguna aad u daggan yahay, waxaan dhex mushaaxayay Bogga isku xiraha Bulshada ee Facebook,waxay si daymo fudud ahi indhaheyga u qabteen Muuqaal aad ii soo jiitay.

Muuqaalkaasi ayaan sii daba raacay, waana ku dhuftay, si aan u daawado, waxaa run ahaantii uu ahaa mid aad iyo aad u qurux badan, waxaana aad ii soo jiitay ka saxafi ahaan Habka loo duubay oo ay ka sii darneyd cod hallaasi ah oo muuqaalkaasi oo idil uu ku saleysnaa.

Codkaasi waxa uu ahaa Hees dabacsan misana uu codkiisa macaan si heer sare ah ugu soo gudbinayay Fanaanka la hollin waayay ee Aar Maanta.

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. aarka wa fanan aad iyo aad u wanagsan hesihisana wan jeclhy mar walbana wan dhagaysta lkn halmidan codsana fananka tarikhdisa iyo halku ku dhashay noso galiya pls

Leave Comment


Ad