Qodobadii jacaylka ee lamaanaha

Jul 19th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

picsfrom:hillsmother.blogg.se

Waa mar kale iyo xikamadihii jaceylka ahaa ee aad aalaaba nooga barateen in isbuuciiba hal mar aan fariin qoraal ah idinku soo gaarsiiino.
“Waxa aan mar kale umahad celinayaa dhalinta ku taxan arimaha jaceylka oo mar welba noo soo diro hambalyo iyo dhiiri gelin, maantana igula nasta qodobadan macaan, Ibrahim Abdi”

- Ma ogtahay mararka qaar indhaheyga waxa ay ka maseeraan wadnaheyga, maxaa yeelay, mar welba wad dhex maquurataa wadnaheyga, indhaheygana wad kafogaataa oo aragaga ma arkaan.

- Hadii aad ku dhacdo webi waa macqul doon in lagugu badbaadiyo ama shaqsi ku badbaadshaa, hadii aad ku dhacdo ceel waa macqul in xarig lagugu badbaadiyo, balse hadii aad duufaanada jaceyl shabaqa ugasho wax badbaado ah majiraan, illaa Aalle kaa badbaadiyo maahee.

- Jaceylku waa sun macaan, sidaa darteed hadii aad qof jeclaato usheego kahor intuusan kaa fogaan, jaceylka waxa baabi´iya waa waqtiga ee waqti hasugin.

- Waxa aad noqotay ordaa aanan daalin, waayo maskaxdeyda si joogta ah ugu dhex oradaa, marna ma aadan daalin. Waxa aad tahay tuug weyn, waayo wadnaheyga xaday hadana inta aad gudaha dhex gashay ayaad kor katoshay, waxan dareemaa wadnaheyga gudihisa adigo ka dhex nuuxnuuxsanaya.

- Maanta wadnahayga dhowr dhibic oo dhiig ah ayaa banaanka uso daatay. Kadib waxa waydiiyay dhibcihii soo daatay “Maxaad u soo baxdeen?” Waxa ay iigu jawaabeen “Qof ayaa wadnaha buux dhaafiyay. Meel ayaan ka waaynay. Wax badana oo meel ka waayay wadnahana waa soo socdaan”. Ma ogtahay qofka buux dhaafiyay qalbiga xinjirihina bananka uso saaray? Waa adiga xabiibi.

- Waxa aan ku siiyay furaha nolasheyda, kadib waxa aad furataa wadnaheyga adiga oo ku furanayo ciwaanka magacaga, kabaartaa wax walba oo ku soo dhaca. Kadib ayaad ku dhex aragtay in aan jeclahay dayaxa. Waad iska maseyrtay. Waayo, dayaxa waa wehelka habenkii marka ay tahay saqdhexe ee aan ku tabo daawado. Aniga oo niyeysta meel walba oo aan joogo in aad tahay dayaxa. Adiguna aad ogtahay in aan ku daawanayo, adna aad idaawanayso.

- Subixi wax quraac ah macuno adaan kaa fikiraa, duhurkii wax qado ah macuno adaan kaa fikiraa, cashana ma cuno adaan kaa fikiraa, habeenkiina ma seexdo, waayo, waan baahanahay.

- Mar welba oo aan kaa fikiro hadi an heli lahaa ubax aan kuu hadiyadeeyo maalin welba inta  aan ku hadiyadeyo wax ay noqon lahaayeen beerta ubaxa, usbuuc gudihisna beeraha ubaxa mida ugu weyn ayaan yeelan laheyn.

w/q ibrahim ali abdi (kalafoge)
lovewithpromise143@hotmail.com
Ladaneey Magazine

Halkan hoose waxa ka furan meesha aad ku soo qori kartid rayiga aad ka qabtid maqaalkan, (comments).

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

6 comments
Leave a comment »

  1. walal ibraahim waad fiican tahay lakiin ima cajabin erayadda aad u adeegsanayso qodobada jacaylka ama amaanta jacaylka ee labo qof is weydaarsan karaan erayadaa waxaa ka mid ah.. (Tuug) tii oo anan siddaasi usii qal qaloocin macaanka ereyada jacaylka ama xigmada jacaylka waxaa jira dariiqyo kale o cusub oo la jeexi karo !
     
     

  2. as/c waa maqaal aad i cajiib ah waana tacbiir dhab ah oo uu jacaylku lee yahay waana mahadsan tahay sxb

  3. asc runtii waa maqaal xikmadaysan qaabkaad u isticmashayna wa wax jira
    hadii aad errayo isticmaashid adag dadka dada yar ma fahmayaan ………thnx bro
    ..
     
     

  4. wooooooooooooooow erayo cajiib ah waye lkn ima cajabinin aniga

  5. Runtii waa erayo macaan thnk sxb

  6. ya salam wa ereyo aad u qiimo badan….run ahaantii haddaan jacaylka la qadarin ..oo aan qiimihiisa la dhawrin ..Qaali in uu yahayna ..aynaan qalbiga u sheegin …wa qasaaro noloshu…………..aadbaanan idiinku hanbalyanayaa…anigoo idin leh wali nagamaydaan dhargin….ereyada noocas ah

Leave Comment


Ad