Ila qosol: “Kurdi soomaali”
Jul 23rd, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, MaaweeladaWaxaa Xarunta Booliska ee Norway soo gaaray Afar Nin oo Kurdi ah iyo Mid Soomali ah , si ay Booliska qoxootinimo isugu dhiibaan . Sida caadiga ah qof walba waxaa la waydiiyaa Wadanka uu u dhashay iyo meesha uu ka yimid .
Afartii Kurdida ahaa iyo midkii Soomaliga ayaa su,aalo la waydiiyey iyagoo la rabay oo kaliya in laga qoro wadamada ay u kala dhasheen:
Kii ugu horeeyey waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Ciraaqi
Kii labaad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi ii raani
Kii sadaxaad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Turki
Kii afaraad waxa uu dhahay waxaan ahay Kurdi Suuri
(sida aan la socono Kurdiyiinta afartaas wadan ayeey kala dagaan)
Ugu danbayntii markii la soo gaaray kii Soomaliga ahaa waxa uu yiri waxaan ahay “Kurdi Soomaali”, isaga oo u haystay in erayga Kurdi uu yahay wax lagu amaanayo wadanka sababtoo ah waxa uu yaqaanay oo kaliya wadamada Ciraaq, Iiraan , Turki, Suuriya, laakin waa markii ugu horeeysay oo uu maqlo Kurdi.
Waxa uu is yiri: Waddankaaga ha ka reebin erayga ammaanta ah ee “Kurdi”…!
Cabdiraxmaan Sh. Mustafa
kalmoi@hotmail.com
calanka.com
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.







waa sheeko aad iyo aad u qosolbadan xanbaarsana micno aad u balaadhan maxaa yeelay waxay tilmaamaysaa in ay ka fiirsashadu ay aad mihiim u tahay waxgarad la aantuna ay mugdi tahay, ileen haduu moodaayo in ay (kurdi) micnaheedu aanu ahayn wax lagu faano muu yidhaahdeen kurdi somali baan ahay……..kkkkkkk
Waa sheeko aad u qosol badan , mid la mid ah aan idin sheego:-
waa qiso dhacday waagii berisamaadkii waxaayna ka dhacday gobolka beri ee soomaaliya, waxayna u dhacday sidan:
nin reer koonfur ah ayaa shaqadiisa qaran la geeyey G/bari , wuxuuna macalin ka ahaa
dugsi ka mid ah dugsiyadii magaaladaas ,maalin maalmaha ka mid ah ayaa waxaa macalimiintii casuumay nin ugaas ah ee magaaladaasi degenaa ,isagoo soo dhawaynayey macalimiintii ayuu mid weliba waydiinayey ……isagoo leh
(yaad ahayd..?)kii ugu horeeyey wuxuu yiri cumar maxamuud
kii xigayna wuxuu yiri ciise maxamuud
ka sadexaadna wuxuu yiri c/maxamuud
kii reer koonfurta ahaana marka la soo gaaaray ayuu yiri Jaylaani maxamuud
ileyn wuxuu u qaatay in qof weliba uu magaciisa raaninaayo maxamuud .
so funy
kkkkkkkkkkkkkkk walahi xariif ayaw ahaa ninkaas maxaa yeelay nimankaan kale waa kala wadan kurdi ayayna sheegteen aseigana wa run ayow uqaatay