Qodobka ugu qaalisan qodobada jacaylka ee lamaanaha

Jul 28th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Jacaylka

picsfrom:flickr.com

Qodobkan oo ah ka uu qoraalkani  ku socd ayaa ah : “Naftaada waan kaa jeclahay”.
Waxaa hubaal ah in maanta aduunyada dhan walbaa horumar laga gaadhay, oo is badal weyni ku yimid dhinacyo badan oo ku salaysan nolosha aadmaha.

Haddaba jacaylku waa shayga ugu qaalisan ama cilmiga ugu macaa ee uu Eeba aduunyada inagu siiyay.

Waxaase mudooyin kii danbe isa so taraaya, in gabi ahaanba uu mustaqbalkii jacaylku ka sii dhamaanaayo shaashadaha aduunyada oo uu noqonaayo shay aan xiiso lahayn. islamarkaasina uu mutaystay dib usocodnimo.

In kastoo uu cilmiga jacaylku balaadhan yahay haddana waxa an filayaa qeybtan aan ka hadlaayo waa ta ugu culus, uguna fahanka adag ee ugu mihiimsan. Waa tan ay wadaagaan lamaanuhu.

Sidda qaldan ee jacaylka loo isticmaalay maanta aduunka iyo dhalan-roga lagu sameeyay, ee aan diin iyo dhaqan toona shaqo ku lahayn, cilmiga jacaylka, waa kii hadraawi lahaa sagaashanadi isaga oo og wax yaabaha halista badan ee aduun ka soosocda.

Cilmigan dalandoolka badan
Damiirku ka meydka yahay
Ragg iyo dumarkii furfuray
Intuu dumarkii is baday
Ragii qaar dumar ka dhigay!

Diin iyo dhaqan waa lagu kala duwan yahay. Inagu dad kalaynu nahay darkii nabigaynu nahay csw islaam xalan baynu nahay.
Muslim ayaanu nahay oo jacaylka sidda loogu tala galay ayaan u isticmaalnaa. Lakiin waxaa jirta in cilmigii jacaylku uu dibusocdnimo mutaystay ama la majro habaabiyay oo lagu soo kordhiyay wax aan ku jirin oo wax aan ku tiriyo aan garan waayay iyo dib iyo horay toona midka uu u socdo. Haddaba soomalida iyo waxyaabaha ay jacaylka ku so kordhiyeen akhristoo ila arag bal waan u bogee!

1. Amaantii oo noqotay cay lakiin la isku turqaayo aakhirkeeda!

Waxa aad tahay tuug weyn, waayo wadnaheyga aad xaday.  Tuducdan danbe ee odhanaysa (waayo wadnahaygaad xaday) waxaan anigu u arkaa amaan, waayo qof qof kale wadnihii wuu qaadan karaa. Adiga ayaaba og in uu xadee! Balse in qof hadal go’an oo hakad lehayn lagu dhaho sidda; tuug ayaad tahay. waxaan u arka ka badbadis aan cilmi iyo aqli toona ku fadhiyin, amaana aan raad ku lahayn.

2. Amaantii oo laga bad badiyay deetana danbaab dhashay

Haddaba labadan qodob ee aan kor ku sheegay kiisa labaad waan ka gaabsaday. Ujeedada oo ah aniga oon rabin in aan qof ama abwaan ka daba danbaabo. Sida oo kale, waan ka  gaabsaday in aan tusaale ka bixiyo, taasi raali galin ayaan kaa siinaya akhristoow.

Cilmiga jacaylku waa shay qaaliya, isla markaasina ku haboon in sidiisa loogu dhaqmo loona barto.

Waxaa qurux badan in si fudud oo diin iyo dhaqan leh loo isticmaalo, intii laga badbadin lahaa, islamarkaana uu noqon lahaa jacaylku shay aan macno lahayn ama aan xiiso lahayn.

Haddii aan u soo noqdo ujeedada koobaad ee igu dhalisay maqalkan aan ugu magac daray “Qodobka ugu qaalisan qodobada jacaylka lamaanaha” u jeedadiisu waa in aan soo bandhigo xikmad jacayl ama qodob jacayl oo cajiib ah, oo aad u bogi doontaan marka aad maqashaan isla markaasina ah qodobo aan dhagihiinu wali horay u maqal.

Runtii horay waan u maqalnay, qof qof ku leh naftayda waan kaa jeclahay, Badse wali ma maqashay qof qof kale ku leh “Naftaada waan kaa jecelahay”

Waa qof qof-naftiisa ka jeclaaday, hadda akhristoow fahamku waa shay qaaliyee maahan in uu qofkan uu lamaanihiisa naftiisa ka jeclaaday. laakiin uu iyada teeda ka jeclaaday. Tani waxa ay ka dhigan tahay jacayl aad u qaado gabadh nafteeda ood ku leedahay – adiga iyo aniga-  aniga ayaa naftaada kaa jecel. Sidee?

Sidee ayay ku dhici kartaa inuu qof, qof kale naftiisa ka jeclaado?
Sidee qof naftayda iiga jeclaan karaa?
Taas oo jawaabtu tahay in uu qofku la jecel yahay lamaanhiisa wanaag badan, kana dhowrayo dhib oo dhan.

Balse jacaylka nuucan oo kale ah qofka uu helay ama erayadan isticmaalya, waxaan odhan karnaa waa qof jacayl dhab ah hayo, soo arkay, gaadhayna heer jacayl laga gaadho ka ugu sareeya.

Runtii qodobkan jacayl ee aan sida sahlan loo fahmi karin ama loo isticmaali karin ayaa ah mid cusub oo yimid sanadkan 2011, isla markaasina aan u hibeeyay dhamaan lamaanaha soomaaliyeed ee jacayl wadaaga ah. ( I love your life more then you love it ama Naftaada wan kaa jeclahay )

Anigu lama yaabani, sobobta uu qof naftayda iiga jeclaan karo, balse waxaa la yaabanahay jacaylka haya qofkaan. Way adag tahay sidda naagtu/ninku ay ku fahmaan qodobkan jacayl.

Badse waxa hubaal ah marka ay fahamto naftu in ay dareemi doonto jacayl iyo is badal weyn oo nolosheeda ku yimaada. Waxayna dareemi naftu qiimaha uu iyada agteeda ka leeyahay qof iyada nafteeda ka jecel. Qofkaasi waa qof abaal kugu leh, meel weyna ka dagay laabtaada.

Lama soo koobi karo qiimaha aan u hayo qof naftayda iga jecel iska daa tiisee. Laakiin waxaa jirta in jacaylku uuna ahayn wax gali kara kaftan ama iska yeel-yeel ama dhalanteed. Runtii waxaa aan odhan karnaa waa shay ku abuurma maskaxda aadmaha, isla markaana uu fahmo qofka uu Alle fahansiiyo.

Xikmadan jacayl ee cajiibka ah ee odhanaysa “Naftaada waan kaa jeclahay” waa mid kuu fudaydinaysa nafta wax jecel sidda ay ku hanan karto qalbiga qofka ay jeclaatay.

Waxaa kale oo jira xikmado jacayl oo layaab leh isla markaasina ah kuwo uu jacayl ka buuxo oo dhuuxa qofka kala daadinaaya, naftu marka ay maqashana ay la daaq tagi doonto ama ay gali doonto mawjado fikir oo jacayl iyo layaab badan. Kadibna ay dareemi doonto jacaylka iyo nolosha dhabta ah, qiimayn weyna ku samayn doonta. Meel muhiim ahna ka dhegi doonta laabtaa qofka naftaada kaa jeclaaday.

Sababtii igu dhalisay in aan keeno xikmadan, una curiyay sheekada  ku saabsan jacaylka ee ah “Naftaada waan kaa jeclahay” ayaa ah in aan uga digo akhristaha in uu si fudud ugu dhahdo lamaanahiisa “Naftaada waan kaa jeclahay” asag oonan dareen kaas qabin ama ayna dhab ka ahayn. Hana fududaysan xikmadan jacayl

Nabadiino
Kahn ahmed
Ladaneey Magazine

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

20 comments
Leave a comment »

  1. WAAAAW WALALE WAA XIKMAD QAALIYA NAFTAADA WAANKAA JECLAHAY RUNTI WALIGAY MAMAQAL MANA U MELAYNE IN QOFNAFTIIS LAGAJECLAAN KARO RUNTII WALAL WAA KU MAHADSAN TAHAY  XIKMADAN

  2. WAAAAW WALALE WAA XIKMAD QAALIYA NAFTAADA WAANKAA JECLAHAY RUNTI WALIGAY MAMAQAL MANA U MELAYNE IN QOFNAFTIIS LAGAJECLAAN KARO RUNTII WALAL WAA KU MAHADSAN TAHAY  XIKMADAN

  3. haa wey jirta qof aad naftada ka jeceshahay waayo xaata ani naftayda waxan hada ka jecelahay ninka iqaba oo walahaya yaa waayo waxan ku cadeynaya in aan naftisa aan ka jecelahay tayda waxan isku arka anigo markasta ka fikirayo isaga waxkastana la jecel isaga marka halka maxa kacad akhyarta in aan nafta aniga igu jirta aan ka jecelahay xajiga wayo maaha wax hada kiliya wa illa markii aan bartay wana ku mahadsantihin  ladaneey

  4. hayaaaaaaaaaaaay soomalidii jacaylki waa baratay yaa waa yaabka yaabkiis walee maantana ma qof baa naftiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiiisa laga jeclaanayaa hahahaahahah

  5. kkkkkkkkk

  6. marka hore waad mahadsantihiin dhamaan asxaabta ladaneey salaan kadib aniga waxaan ahay run ahaan dhalinyarada si joogtada ah ugu tixan wabsetkan balse maanta waxaad soo bandhigteen qodob jaceyl oo icajab galiyey waxaadba mooda inuu tilmaamayo qodobka aniga iyo girl friend gayga marka thanks to you alot of

  7. runtii jacaylku waa wax qiimo ku leh aadamaha, jacaylku waa quruxda dadka ka dhaxaysa waana naxariis uu ale isugu daray lamaanaha sida xalaasha ah isu doorta laakin runtii waxa aan shaki ka taagnay in ay soo yaraanayso kalsoonidii jacaylka waayo wiilka ama garta soomaliyeed ee u sheegata jacaylka ruuxa ay ka hesho diin ahaan, dhaqan ahaan iyo wanaag ahaanba ma fiirinaayo dadnimada ee waa is waynaynaayaa amase kuma kalsoona taasba oo waa ka shakisan yahay qofkan jacaylka u soo bandhigay, markaas qofkii wax jeclaaday waaba uu nacayaa inuu qofkale jeclaado, qofkii waxaan sameeyayna ma moodo inuu qalad ka galay qof dhan oo uu dilay yididiiladii jacaylka iyo niyadiisa oo dhan……..markaas walaalayaal jacaylku waa naxariis waxana dunida ugu nasiib fiican qof la jeclaaday oo isna sidaa oo kale u jecel qofkii jeclaaday …………. good luck

  8. aad iyo aad ayad ugu mahdantahay xikmada aad no shegtya walalo waxayabo badan oo anan ogayn ayd no shegtaye

  9. i like it  waa hadal gabar weyn kkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  10. Asc aqayaarta dhamaan ,Waxaa dareemi kara qofkii wax jeclaada inuu naftiisa ka jecel yahay nafkale ,

  11. sln qaliya dhamaan asxaabta sharafta leh aniga waxaan iska dareemay aqayaareey beerka naxdin kuleel camal ayan dareemaa gabadha aan jecelahayna sidoo kale waa dareemee lakin aniga aduunyada ineey ayada kaliya ii taliso ayan jecelahay aydana talada aneey ii dhebatay lakin walaahi oobilahi nafteeda ayaan ka jecelahay

  12. runtii aad ayaad u mahad santihiin fariimaha sharafta badan ee aad so diyaariseen, anigu waxa i haya jacayl aad iyo aada ninkii aan jeclaana waan helay oo waan is guursanay laakiin anigu daacad iyo kalsooniba waan ka helay oo markii iigu horaysayba waan ka jeclaaday naftiisa taydana uu iga jecel yahay in badan
    mahad sanidin

  13. sxb ma fahmin aniga managaranaya sabata yanaftiiiiiiiiiiiiiiiii

  14. asc dhamaan aqyaarta iga horesay e comentiga ka bixiasay xikmadan aadka qaaliga u ah runti wa hadal xigmadesan waxana lo bahan yahay in qof walba o jecel qof kale u adegsado hadlkan qiimaha badan runti aniga ahan horey uma maqal blse nafteda horey ayey u adegsatay maxa yelay waxa jirta oo manta ku nool dunidan qof aan nafteda ka jeclaha wa sida an aminsanahay ani micnuhuna maaha in u qofkaasi naftisa neceb yahay blse jacaylka aan u qabo aya ah mid saaid ah aanan u dulqadan karin wax yar oo wax yela ah in ay soo gaadho wadn ku mahadsan tihiin bahda boggan jzk lh

  15. asc.aad baan idiin salaamayaa dhamaantiin akhyaarta fariimaha qaaliga ah soodirtay ruuntii jacaylku waa aas aaska nolosha waa raaxada nafta waa furaha kalsoonida waa qiimaha lamaanaha is qabta waxa mudan in la ilaaliyo kalgacalka waad mahadsantihiin comment

  16. asc.idinkoo mahadsan waxaan idin waydiinayaa su.aal ee fadlan iiga jawaaaba waa maxay calaamadaha lagu garanayo qofka ku jecel waad mahadsantihiin comment.

  17. waa yaabe maxay ku dhhacday in qof aa aad iyo aad ujeceshahay iyadna ku jecel hadana kuu cag gaabisa ama kaa yareesato

  18. kkkkkkkkkkkkkkkkkkkkk

  19. waxad moda imika inuu jacaylki afka dadka kaga hadhay waxad arkaysa wil kule gabadh waxan isku nahay ciir iyo dhuul ama ma kala marmayno siida anay bariska iyo maraqu uu kala marmiin kkk

  20. wooooow waaa ereyo qiiimo weynleh run ahaantii anigu lamaaneyga naftiisa waaanka jelahay wax igu cusubna ma,aha naftaada waankaa jeclahay laga yaabee iney dadka qaar ku cusub tahay lknse aniga iguma cusbo lamaanaheyga marwalba waanku dhahaa naftaada waan kaaa jeclahay thnks ladaneey qormooyinkaaa aad ayaan uga heley run ahaantiii aad ayaan ujeclahay qormooyinka kahadla jaceylka lamaanaha thns inbadan

Leave Comment


Ad