Su’aalo iyo jawaabo ku saabsan ramadaanta

Aug 1st, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha


Ugu Horreyn Dhamaan Aqristayaasha Sharafta Leh ee kuxeran shabakada waxaan hawada umarinayaa salaanta islaamka ASSAlamu Caleykum waraxmatullaah waba rakaatuhu, Salaantaa qiimiga badan kadib Ramadaan Kareem Meel Weliba aad joogtaan iyo xaalad weliba aad kusagantihiin.

Intaa Kadib Waxaan Cudur Daar udirayaa Dhamaan aqristayaashii su’aalaha ina soo weydiyay aan si deg deg ah ugu soo jawaabi waaynay maadaama isku aruurin su’aalaha aan wadnay.

Insha ALLAH intii su’aalaha ina soo weydiisay si toos ah ayuu sheikh Ugu jawaabi Doonaa Xilli walbana waa kuu diyaar suaalahada bisha barakeysan ee ramadaanta ku saabsan, sitoos ah ugu soo dir ramadaanka2011@hotmail.com

Sheikh Abdulrahmaan Ali geedi {balshad} ayaana sitoos ah kuugu soo jawaabi doona adiga oo jawaabaha ka aqrisan doona webka.

Su’aalihii nasoo gaaray jawaabahoodii waa kuwaan.

S: Waxaan Ahay Hooyo Dhowr Caruur Ah Haaysto Mudo 8 Berri Ah ayaan Soonkii Hore wahsi iyo kumashquul caruurta ah soonkii bilaa cudur daarasho iiga tagay Ee Maxaa Sameyn karaa Hadda?

J: ugu horeyn danbi weyn ayaad kudhacday  billaa cudur daar inaad soon la’aan joogto, Illaah Utowbad keen, marka xiga soonkii aad ogtahay ee kugudbay waad qaleyneysaaa Illaaheey Karti Hanoo Siiyo Cibaadada Wallahu Aclam.

S: Shiekhoow Waxaan Kusuganahay Wadamada Qurbaha Waxaan Joogaa Carwo Weyn  Oo Saaid Dumarka Qaaqaawan Ugu Adeegtaaan Anigoo Sooman Haddaan Ulakac Ufiirin Wax Miyey Soonkeyga Udhimayaaan?

J: Ugu Horeyn Walaal waa inaa shaqo kawanaagsan aad raadsataaa Diintaada meelna wax ugu dhimeyn, maxaa yeelay waxaa dhici karto hadii aad kusii dhex jirto inuu sheydaanka kuu maceeyo intuu qalbigaada noolyahay shaqo kawanaagsan oo diintaada wax udhimeyn karaadso Amaaa su’aashaada jawaabteeda, sidaa sheegtay si aragti ujeedo la’aan ah kaa dhacday waxbo uma dhimeyso soonkaaga . . Illaaheyna Hana Xifdiyo Walahu Aclam.

S: Asc Waxaan Kunoolahay Norway Waxaan Ahay Gabar Qaan Gaar Hooyadeey Waxey Idhahdaa Ma Aadan qaangaarin ee hasoomin, soonkii hore Sidaa Ayuu Igu gudbay, Sooonkana Waa nagu soo socdaa  hooyanaha isma badalin weli maqaangaarin ayey ileedahay aabana meel Fog ayuu joogaa hadan Waco waa lagugu leeyahay ee soon ayuu idhahaaa ee maxaan sameeyaa sheekhoow.?

J: Hadii Sidaad Sheegtay aad Qaangaartay Calaamadihii Qaangaarka Aad isku Aragtay {sida caadada Dhiiga I.W.M} Soonkaas Waalagugu leeyahay,Wixii Hore Adigoo Qaangaar ah Soon kaaga tagayna Waad Soo Qaleyneysaaa. waalidkana wax qaldan kuma adeeceeysid sida salaada katag iyo soonka waajibka ah katag I.W.M. Rassuulka SCW Wuxuu leeyahay Laguma Adeecayo Qof bini aadam ah wax ALLE lagu caasinayo. ILLAAHEY Xaqqa Hanagu Sugo, Wallahu Aclam.

S: Waxaan Ahay Hooyo Soomaaliyeed Oo Dhiigii Dhalmada Kaqabeysatay waxaan nuujiyaa ilmo yar waana awoodaa inaan soomo ee hadaan soomo ma iga gudmayaa anoo nuujinayo wax dhib ah aay leedahay miyaana jiro aad baan uwalwalsanahayeee.?

J: Hadii Aaysan Wax dhib ah kaaga imaaneynin adiga naftaada iyo canugaaga waad soomi kartaa waana soon mar weliba lagugu leeyahay waajib kugu ah, Hadii aad kudhibaatooneysidna adiga naftaada ama canugaagaba siduu Alle noogu fududeey dib baad kazoo qaleyneysaa.  IILLAAHEY Hanoo Siyaadiyo Daacadiisa Walahu Aclam.

S: Soonkii Nasoo Gudbay inta maalmood ee iga tagtay iima xisaabsano waana isku dayay waan keeni waayay, Xanuun ayuuna iiseegay, hadaan uniyeysto aana soomo qamiis iyo isniin weliba ma iga gudmayaaa.?

J: Haa hadii cudur daar kuugudbay Qayaasta Usareyso aad umaleyneysid ayaad kazoo qaadeysaaa Isniin & qamiisna waa aay kagudeysaaa sida maalmo kale xattaa aad usoomi kartid oo aay kaa wada gudayaan, lakin hadii aad ujeedo ajarkii sunadii ahaa ee isniinta iyo qamiista ahaa ma isku helayaa waa Maya waayo adoo waajib lagugu leeyahay sunno malagaa aqblayo. ILLAAHEY hana garadsiiyo Waajibaadkeena Walahu Aclam.

S: Asc Marka Hore qeyr faro badan allaha kasiiyo sheikh sitoos ah inoogu soo jawaabayo, waxaan shaqeeyaaa habeenkii in la iga badali doono waqtigaan habeenkii ahna mahubo soona waanagu soo dhawyahay, ee haddaan habeenkii shaqeeyo maalintii aan jiifo aana soomanahay maxey iidhibeysaaa.?

J: wuxuu alle Kor ahaayee quraankiisa  kuyiri

جعلنا ا ليل لباسا٠ وجعلنا النها ر المعا شا٠ و Suuratul Nabba Aayada 10-11 Habeenkii waxaan kadhignay waqti aad raaxeysataan jiifataan kudegtaan gurigiina, aayada xigto maalintiina waxaan kayeelnay waqti aad noloshiina raadsataaan., Sidaa Awgeed hadii adiga daruufi keentay inaad habeenkii shaqeyso maalintiina jiifato wax aay udhimeyso malahan arinkaa soonkaaga. Lakin Iskuday hadey suurto galtahay inaad shaqadaada uwareegsatid maalintii si aad ugu qeyb qaadato cibaadaadka habeenkii ee Ramadaan sida taraawiixda, taajudkii, qiraatul quraan, salaatul leyl I.w.m, sidaa ayaana caafimaadkaada uwanaagsan Illaahey Aduunyadeena iyo aaqiradeenaba hanoo toosiyo Wallahu Aclam.

S: maadaama soon nagu soo fool leeyahay xaaskeyga ma wada tukan karnaa taraawiix iyo taajid Masjidkana Iga Yara durugsanyahay?

J: Haa waad wada dukan kartiin qoyska oo dhan Salaatul taraawiix iyo tahajudka maadama aad sheegtay in masjidka kaa yara durugsanyahay, Lakin Iskuday adiga inaad masjidka kusoo tukatid salaadaha faralka ah, hadii weliba suurto galtahay in qoyska dhamaan aad kusoo tukataan masjidka mararka qaar waa wanaagsantahay, si muslimiinta wadajirkooda loo illaaliyo. Illaahey Qoysaska Hanoo Xifdiyo Ilmahana Baariyaal Allaha Nooga Dhigo Wallahu Aclam.

S: Bisha Ramadaan hadaan dhag kamaqlo aanan arkin masoomayaa, qoyska aan lanoolahayna aay si wadajir ah usoomaan sidii soonkii horaba igu dhacday.?

J: Halka Aad joogto dal kabaxsan oo dalalka muslimiinta ah hadii laga arko waad soomi kartaaa, sida halka aad joogtidba haduu qof kale oo caadil ah diintiisana lagu kalsoonyahay ka arko aad usoomi laheyd. Lakin waxaa fadli badan in dalka aad joogtid haduu uu muslimyahay  laga soomo aad lasoonto, hadii aad joogtana dhul aan muslim aheyn waxaad lasoomeysaa lana ciideysaaa Bulshada muslimiinta meeshaas kunool. Illaahey Diintiisa Hakoryeelo Wallahu Aclam.

Uducee Waagii KuuDilaacaba Dalkaagii Hooyo Waa Bishii Barakeysneyd Ee Ramadaankee, Insha Allah intii ina sooo weydiisay su’aalaha ahaaa maxaa soonka buriya maxaana banaan insha allah muxaadaradeena uu sheekha abdulrahman Ali Geedi {balshaf} inoo aqrin doono ayey kadhex heli dooonaan jawaabahoodii Haduu ALLE intaa nagu simo ILLAAH ha inaga dhigo kuwii ka faaideysto bisha barakeysan Su’aalahaadana Kusoo Xir ramadaanka2011@hotmail.com.

Ibrahim Ali Abdi {kalafoge}
lovewithpromise143@hotmail.com

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

4 comments
Leave a comment »

  1. Aniga horta waxan layabe yaa su alahan laso waydiye ma wabsaytka  Alcarabiya.com,Jacaylka.com,wariyaha.com mise Ladaneey yaab.com cml lkn marki ugu horese waxa laga so daye wabsaytka Jacaylka.com so intina kale dhan koobi aad soo wada wadatiin ee dadka koobiga ka dhaafa aniga intaas oo websayt iyo in kabadanbo wan boqda wana lasocda sida ay wax yihin

  2. sheekhoow  haddii qof uu soonkii hore dhaafo  kanna la soo qaaray isagoon soo gudin ma soon lee laga rabaa mise soon iyo suus

  3. Sheeqow waxan joga wadan galo,waxana shaqeya 2:00am ilaa 8:00pm,sacadaha an shaqeyana waxa ka darimikartaa in mesha Duhur, Casar, & Maqrib ika tagayan,xafadeyda iyo shaqadana waxa gari logu socdaa 1 saac.Marka shaqada 8:00pm ka so labto hada qalo tugado miya leyga aqbalaya?
    Hadii mesha saligeyga u qato goal geygana uu yahay sidii an ku ilalin lahay waqtiga salada garan mayo mel Kacbada iga jirto,mesha dono miyan iskaga jestaa??

  4. sorry Sheeqow waxan ula jedaa 2:00pm to 8:pm not 2:00am
    Thanks again.

Leave Comment


Ad