Maxaad ka taqaan Adisababa
Aug 1st, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Dalxiiska, FeaturedWarbixin dhinacyo badan oo kusaabsan magaaladasi iyo xaaladaheeda nololeed, dhaqale waxsoosaar iyo horumarineed ee caasimada wadanka Itoobiya ee Adiss Ababa
Adiss Ababa Mid kamid ah caasimadaha afrika ee xiligan ay ka socdaan korniinka horumarka dhinacyada dhaqaalaha iyo dhismaha oo aan socdaal gaar ah maalmo ku joogay, waxaan isku dayayaa inaan ka qoro inta qalinku igu simo waxyaabaha aan ku arkay ee ka socda halkaasi anigoo qodobeyn doonaa insha allah.
Adiss Ababa macnaheedu waa ubixi cusbaa. Waxa ku dhaqan oo ku nool in ka badan sedex milyan oo ruux marka loo eego tirokoob laga qaaday 2007. Waxa ay dhacdaa dhul dheer oo qabow ah, inta badan waxa xiligan ka da’ayey roobab. Guud ahaan magaalada waxa ka socda dhismayaal, horumar iyo kala danbeyn aad u heer sareysa. Waxa ku dhaqan qoomiyada kala duwan diin ahaan, isir ahaan iyo midab ahaan. Waxanay qolo waliba wadataa shaqadeda oo cid cid ku mashquulimayso. Muslimiintu way tukanayaan misaajidada ayay buuxinayan, halka ay kiristaanku kaga jiraan kiniisadaha qolona qolo afaaraheeda galiymayso.
Waxxa iigu layaab badnaa oo aan arkay dumarka oo kuuliga guryaha dhismayasha galaya oo weel hareeraha haya waxna ku wada qaadaya, sidoo kale Markata ayaad arkaysaa nin xamaali ah oo lagu rayayo ilaa kun shirikan ama boqol joodari ama furaash.
Magaalada guud ahaan waxa dhan bilic wadooyin iyo dhismayaal dhaadheer oo aad u badan oo in ta badan haatan gacanta lagu hayo. Amnigu aad ayuu u adagyahay, waxaana dareemaysaa dawladnimada iyo nidaamka ay leedahay. Waxay leedahay wadooyin isa saran oo ay u dhiseen sucuudiga qaarkood kuwaasi oo aad looga shaqeeyey.
Ajanibiga iyo dalxiisayaasha
Waxa aad ugu badan dadka ajaanibka ah ee reer galbeedka ee dalxiisayaasha, oo aad ku arkaysa goobaha dalxiiska hotelada waaweyn iyo meelaha lagu xanaaneeyo xayawaanada kala duwan, kuwasi oo aad u badan lana dhacsan cimilada iyo quruxda dalka Etioobiya.
Diblomaasiyiinta iyo Xarunta Ururka Afrika United Nations Economic Commission for Africa and the African Union
Adiss Ababa waxay xarun u tahay midowga afrika, waxa aanay Somaliland ka faaiideysan kartaa qadiyada madaxbanaanideeda inay ka dhaadhiciso wadamada afrika maadaama aynu ku leenahay safaarada kaliya ee sida rasmiga ah u shaqeysa, bixisana fiisayaasha dadka ajinabiga ah ee Somaliland imanaya ama booqnaya. Waxa iyaduna fursad ah guud ahaanba shirarka qaarada afrika oo halkan ka dhaca mudo dheer oo ay xarun u ahayd.
Waxay sidoo kale xarun u tahay komishanka dhaqaalaha ee qaarada afrika, taas oo uu ka socdo kobac dhaqaale oo baaxad balaadhan maadaama iminka gacanta ka qaadeen biyo xidheenka afrika ugu weyn oo ay niilka ka sameysteen. Waxa iyaduna xusid mudan in uu ku yaalo suuqa ugu weyn afrika oo loo yaqaano Markata, kaas oo ah dhisme qadiimi ah balse waxkasta lagu iibinayo oo aad u baahantahay. Waxa aad arkaysaa nin xamaali ah oo la saaray ilaa konton furaash oo isa saran, waa arlo dhan oo lagu kala shaqeysanayo, ganacsi balaadhanina ka socdo. Qofka ganacsadaha ah ee itoobiyaanka ahi lagama yaabo inu ku yidhaahdo waxas ma hayo qasab iyo xadarada ayu waxkaga iibinaya.
Khudaarta iyo Khayraadka dabiiciga ah
Waxaad ka helaysaa khudaar nooc kasta oo aad u baahato, waa dhul aanad ka waayin khudrada noocyadeeda kala duwan. Waxa xusid mudan in nabigeeni suubanaa calayhi salaam u duceeyey dhulka itoobiya (allaahuma Baarak Ardul Xabash). Xadis ahaa taas oo badelkeeda aanu roobku qaadin, dhulkuna cagaar yahay, khudrada noocyadeedana aad ka helayso. Cuntooyinka ugu caansan waxa kamid ah laxoox xabashida oo ay dadku aad u cunan shacbiyad badana leh.
Wax soosaarka iyo warshadaha
Waxay sameystaan waxyaabo badan, sida sharaabka lagu cabo dalka ee noocyada kala ah kokaha, shaanida iyo marindaha. Waxay sido kale sameeyaan kabaha, dharka iyo qalabka caagaha ah ee loo isticmaalo biyaha. Waa dal guun ah oo leh warshado badan. Inkasta oo ay baahi badani ka jirto oo dadku badanyihiin maadaama ay gaadhayaan ilaa 80 milyan oo dabaqad hoose iyo dhexeba leh
Adis ababa waxa la sheegay inay 1985 ahayd magalo yar, balse korninkeedu uu la kowsaday waqtigi uu dalka qabsaday males senawi, taas oo ay siweyn kor u qaadeen horumarka iyo dhaqaalaha ka socda shiinaha oo xidhiidh ganacsi ka dhexeeyo iyo mid dhaqaale.
Waxbarashada iyo aqoonta
Waxay leedahay jamacada hana qaaday sida jaamaca Adis ababa, arday badan oo reer Somaliland ah ayaa wax ka dhigta jaamacadahaasi, kuwaasi oo runtii markii aan waraystay tibaaxay in aqoon fiican ka helaan waxbarashada halkaasi iyo ilaalinta tayada aqoonta meesha taala. Waxayna ka dhexeeya xidhiidh waxbarasho Somalland iyo Etiobia l. Waxa waxkusoo barta saraakiisha ciidankeena, ardayda ciidanka loo tababaro iyo waxbarashada kale ee ay bulshadu u doonato.
Nolosha iyo maceeshada
Maceeshadu way jabantahay marka loo eego bulshada ku dhaqan magaalada iyo guud ahaan dalka itoobiya. Waxa laga yaaba inaad sedex waqti ku cunto 3 doolar cuntada dabaqada dhexe. Laagtoodu waxa boqolka doolar lagu sarifaa 1700 oo bir ah, taas oo runtii ku tusinaysa sida ay u daryeeleen lacagtooda. Lacagooda oo kaliya aya la isticmaalaa – no more dollar, taas oo marka aad dalkeena eegto dadkuba dolar wax ku gadanayaan kuna adeeganayaan oo keentay qiimo dhaca shilinkeena. Guud ahaan nolosheedu waa caadi, oo waxa qof ku noolaan karaa, cuntooyinka nooc kasta wuu ka heli karaa.
Taxiyada iyo shurucda wadooyinka
Waxa lagu adeegsadaa taxiyo buluug ah oo ay dadweynuhu isticmaalaan, waxyaabaha aad uga helayso waxa kamid ah darawal gaadhi ma ka xeyn karo ilaa uu suunka xidho. Dadka iyo baabuurta oo wadooyinka loo kala calaamadiyey xiliyada ay ka gudbayaan, taas oo runtii u baahan in wax laga qabto shuruucda wadooyinka caasimada Somaliland ee Hargeysa oo ay dadka iyo gaadiidku isa saaranyihiin, una baahan inay maayaradu casharo ka bartaan caasimadaha jaarka sida Adissababa.
Madarka Caalamiga ah ee Bole Adiss Ababa
Madaarkan waxa uu u qalabaysan yahay si cajiib ah, waxana u dhisay wadan muslim ah, waa madaar runtii aad ka helayso kana qalabaysan dhinacyada terminalska iyo guud ahaan hawlaha adeegyada uu u qabanayo bulshada. Waxay sidoo kale Itoobiya leedahay diyaarado caalami ah oo laga daremi karo aqoonsiga ay leedahay duulimaadyada tooska ah ee ay kaga imanayso caasimadaha caalamka ugu waaweyn sida London, Washington, Oslo, Stockholm iyo kuwo kale. Iyadoo sidoo kalena iman jirtay Somaliland ka hor qaraxyadii Hargeysa ka dhacay madaxtooyada, tan iyo intaassina aanay iman, balse hada xukumada cusubi ku hawlantahay inay ku qanciso dib u bilowga hawsshaasi.
Hilton 5 star hotel iyo Sheraton hotel
Waa labo hotel oo ay qaali tahay in la seexdo oo ku yaala Adiss baba, waanan booqday runtii Hilton, waxana lagu tilmaamaa five sta,r waxanu kamid yahay kuwo dunida u qaalisan. Waxa uu leeyahay barkadaha dabaasha, waxana ku kulma madaxda afrika iyo kuwa dunida ee Itoobiya soo booqda, waa mel qurux badan.
Sheraton waa hotel raxo, inta badan waxad ku arkaysa dadka reer yurub ee booqanaya Itoobiya, waana mid qaali ah oo runtii aad ka mabsuudayso sida laguugu shaqeynayo.
Markata suuqa ugu weyn afrika
Waa suuq aad u weyn oo qadiimi ah, itoobiyanku waxay u yaqaanaan suuqa ugu weyn qaarada afrika, waxaanad ka helaysaa wax kasta oo aad u baahato, dad mooyaan,e. Waxaanad ka helaysaa wax walba oo u badan alaabooyin ay sameeyaan, sida kabaha dharka iyo wixii lamid ah.
Waxa aan ku soo koobayaa intan qoraalka aan ka diyariyey Adissababa oo aan joogay 12 casho, safarkan iyo keygii hore waxay ku kal duwanayeen magaaladu sida degdeg ah ee ay u korayso iyo dhismayaasha ka socda oo ku soo jiidanaya.
Abdikarim Said Salah
hadhwanaag.com
No related posts.
Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.







Asc Walaal waad ku mahadsantahay qoraalkaaga Adisababa, macluumaadka qaar waa kuwa wanaagsan laakiin qofka aad u sii dhuuxo qoraalka wuu garan karaa in uu yahay mid looga gol-leeyahay siyaasad guràcan oo ku saleysan, waayo qoraalkaaga oo idil waxuu iskugu soo biyo shubtay HEBEL/LAND=(Somaliland ) iyo otobia xariirka ka dhaxeeyay( gooni isku taag) IWM…. Inta aam xasuusto & int aan aqriyey buugaag wali maan arkin mawaadin somali ah oo ka soo jeeda Qowmiyadda Somaliyeed oo sheegaya in ethiopia eey tahay wadan jecel ama dadka Somaliyeed oo gumeystaha hoos taga eey jecel yahiin… THE NATION SOMALIA WILL STAND THERE OWN LEGS INSHA ALAAH OGOOW–> UNITY IS POWERWaa fikrad shaqsiMahadsanidiin/shukri
asc marka hore marka xiga barnamijka dalxiiska waa barnaamij fiican teeda kale waa sida eey shukri sheektay maqaalkan waa mid yara siyasadeysan,webka sidaas loogama baran, ictiraf iyo madaxbanaani illaah ayaa baxsho ee mit ethopia iyo africa ey bixiyan ma,ahan qoraha maqalkanow
walal webka saan ugama aanan baran aslana wepku waa in uu yahay mid utagan somaaali not land iyo wax yabao kale tan aragnay e hadii anu nahay dadka wbka ku xiran mar danbe hanalaga ilaaliyo shukri iyo hanad ayaana la fikir ahay
Waxan ushegaya walalka qoralkan soo diyariyey aad ayuu u mahadsan yahay magalo in documentary ama sheko laga soo qoro wax xuna mahan. Lakin walalka soo qorey waxan ushegaya dad wa weyn ayanu nahay webkana waanu akhrisana si jogto ah, cadiifada hanaga dhaafo , somali isku mid weye hadu somaliland duulinayana dee waa mamulkamid ah kuwa somaliya ee nabada ah sida puntland, galmudug. ee ethiopia ictiraf cidna ma sin karto cidna uma diidi karto somali hadii aynu nahay aanu ducaysano oo ilahay ka yaabo dad is dhalay aynu nahay oo aan meel kala jirin.dagalsokeya manta waa inagu dhacay alxm mantana waa dhamadey dagalkii waxa kaliya oo laysku haysto waa kursi isagana xiinkisu waa na dhafaya. marka hadal iyo dhamantiis waxas oo kale hadanu nahay walaha ku xiran webka ma rabo inanu arago wabilahi towfiiq
nolashayda waamar kii igugu horeysay gabar aanjec laado gabadhaas waxayjooktaa moqadisho markey igu daadisay waxaan soo aaday yaman waa taariiq