Dumarka iyo suugaanta

Dec 17th, 2011 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Nolosha

pics - hadhwanaag.com

Maxay ku dhacday innaga oo leh dumar suugaanta  yaqaan oo abwaaniin ah kana xigmad badan gabyaaga qaarkood in suugaantoodu sida tan raggu sameeyey aan fagaaraha loo keenin ama aan looga hadlin inta badan?

Haddii aan isku dayo arrintaas – oo aanan arag waxa hore uga faalloonaya – waxa jirta sida aan ognahay marka dhaqankeenna la eego in dumarku ka dambeeyaan ragga dhinac kasta oo nolosha ka mid ah. Waxa jira dumar halabuurka suugaanta sida gabayada iyo heesaha tirin yaqaan oo innagu dhex jira kana abwaansan ragga suugaanta tiriya qaarkood, laakiin aan dheg jalaq loo siin. Sababta oo ah, iyada oo dad badani u haystaan in raggu ka xigmad badan yahay dumarka.

Adduunka kale dumarka halabuurka ah, sida gabayga amma curinta  heesaha waxay ay ku dherersadaan ragga. Innaga iyo carabta qaarkood sida ay haweenku u qarsoonyahiin ayaa suugaantoodana raggu dhegaha ka ilaashadaan si aanay dumarku golaha suugaanta ula wadaagin.

Waxa ay dumarku isu tiriyaan  buraanburka, ayaga oo isuna gabiyi kara, laakiin, waxa ka maagaan in ay faraha la galaan gabayga oo ragga lagu ogyahay. Waxa dhici karta in buraanburka qaarkii  murti iyo maaweeloba  ka qurux bato gabay hufun, laakiin raggu ma tiriniyaan ayaga oo dumarka u dhaafay. Taas oo aan odhan karo in ay la mid tahay caadada xun ee ah haddii neef la qasho in hilibka waaxyaha fiican laga fuudhyeelo ragga, dumarkana  fenashada iyo meelaha neefka laga jaro ee raggu aanu hungurayn la siiyo.

Waxa jira dumar badan oo aan ku aqaan gabay iyo suugaan kana farshaxansan abwaaniin badan, laakiin, dhibta jirtaa waxa weey nasiib darro, dadkeennu ma dhiirri geliyaan dumarka abwaaniinta ah. Markaa waxa jirta in murti qarsooni haween badan madaxooda  ka guuxayso. Waxa jirtey in wiilasha iyo gabdhahu golaha cayaarta isugu heesi jireen sidii Digley ( waxaan ka xumay aniga oo aan hayn magac dhan) iyo qaar badan oo hadda la illaaway magacyadoodii.

Markii heesaha qalabka loo tumay ee la keenay qolka gudahiisa, waxa soo baxday in ragga oo qudhi heesaha allifaan fannaaniintuna qaadaan. Ma garanaysaa gabadh hees samaysay oo la qaado? Dumarku heesaha dambe ee qalabka loo tumay may ka qayb qaadan, ayaga oo heesaha samayn kara, sababta oo ah, fursad lagu dhegeysto murtida dumarka weli lama siin. Fannaan hees kama quudin qof dumar ah, abwaanna in magaca lala sheegto ma ogola. Waxa jirey inta aan xasuusanay Faadumo Xirsi Cabane, Cibaado M. Cadduur (Raalli ahaada haddii aan magaca qalday) iyo Caasha Luul oo manta gabayda iyo qaar aanan hadda magacyadooda hayn. Maxay idinla tahay? Fadalan, dumarka abwaaniinta ah ee aad taqaan noo soo kordhi.Arintanna ka hadla!.

Kayd Maxamed Cabdalla
kaydzzz@hotmail.com
source: hadhwanaag.com

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

Leave Comment


Ad