Qaabka haweenku u labisan karaan

Apr 6th, 2009 | By Ladaneey Magazine | Category: Featured, Xaragada

xarago1

Labiska iyo is qurxinta qayb aad u muhiim ah ayay ugu jirta nolosha haweenka misna waxaad moodaa inay dumarka ku adagtahay qaababka loo labisto.

Maxaa yeelay qaarkood waxay labaska ka aaminsanyihiin fikrado kale duwan, sida inaysan diinta u ogaleen inay labistaan, qaarkoodana fashion si qaldan ah ayay u qaataan oo cowradooday muujiyeen.

Diinta islaamka dumarka uma diidasyo inay labistaan oo is qurxiyaan lakiin waxay diidaysaa inay haweenka si xad dhaaf ah u muujiyaan quruxdooda. Haweenkeena somaliyeed Ilaahay ayaa ku manaystay haybad iyo qurux aan dumarka intooda kale qabin, sida midabka ifaayo oo cadan iyo madow intaba ahayn, marka maba u baahna waxyalaha qaarkood oo midab dilka ah inay isticmaalaan si ay quruxdooda u soo bixiyaan.

Style-da ugu danbeeyay ayay dumarkeena ku labisan karaan haday noqoto Hugo Boss, Valentino, Celvin Klein, Christian Dior iyo kuwa kale oo badan lakiin ma u baahna inay soo bixiyaan cowradooda. Sababtoo ah iyagoo sytle-ka ugu danbeeya ku labisan karo ayayna is asturi karaan. Taasoo waliba haybada iyo quruxda islaanimada so bananbixinoysa islamarkaan ay ku halayaan qiimo iyo magac wayn bulshada dhexdeeda.

xarago2Gabadh style-fiicana leh.

Asturaada aad ayay usoo saarta quruxda dumarka sida Jenifer Lopez. Sidaa darted  inagoo islaam ah, markaan asturadeena xajino maba u baahnin inaan waxyaalo badan oo naash naash ah suubino. Sababtoo ah islaamka Ilaaha ayaa haybad xad dhaaf ah ku manaystay. Sidaa darted quruxda ay dumarka ku heliwayeen iyagoo asturan kuma helayaan iyagoo cooradooda banaanka tahay.

Labiska iyo is qurxinta marna yaraan iyo waynaan maleh, waligeedna lagama duqoobo. Marka haweenkan somaaliyeed haday ahaan lahayd mid inan ah, marwo amase hooyo ah dhaman waxaan ku dhahi lahaa “never too late to dress well” . Xarako iyo labis intaba lagama waynaado markaa isqurxiya, labista, fashionka iyo stylka la socda lakiin diinta iyo dhaqanka waligiin haka tagina.

Waris Aden
waris@ladaneey.com

Dood ayaa kaaga furan ee fikirkaaga ka dhiibo!
Waxa hoos ka furan meesha aad ku qori kartid fikirkaaga (comment)

No related posts.

Related posts brought to you by Yet Another Related Posts Plugin.

Tags:

One comment
Leave a comment »

  1. well said waris , agree 100%

Leave Comment


Ad